Sawirro: Ciidamada Danab oo burburiyay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay – Axadle

Jilib Marka (Axadle) – Ciidamada Kumaandooska ee Danab ee Kumaandooska Soomaaliya ayaa howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka fuliyay deegaanka Jilib Marka ee gobolka Shabellaha Hoose.

Taliska Milatariga ayaa sheegay in howlgalka lagu burburiyay gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay (IED) oo loo diyaarinayay saldhig ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaas.

Gaariga burburay ayaa la sheegay inuu yahay Saruf, waxaana wararku sheegayaan in loogu talo galay in loo qaado Caasimadda Muqdisho, inkastoo aan la ogeyn halka uu ku wajahan yahay.

Howlgalkan oo dhacay subaxnimadii hore ee saaka ayaa ujeedka howlgalka wuxuu ahaa in lagu burburiyo saldhigyo Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jilib Marka.

Xarakadda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeymahaasi oo ay ku dhinteen in ka badan 100 qof oo ka mid ah dadka ku dhaqan Caasimadda Muqdisho.

Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin eedeynta uga timid saraakiisha dowladda iyo howlgalka ka socda Jilib Marka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More