Muxuu yahay walaaca Qaramada midoobay ka qabto Bangiyada

Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay, in Al Shabab ay malaayiin doolar ka hesho canshuuraha ayna dhaqaalahaas ku kaydsadaan  bangiyada maxalliga ah, sida laga soo xigtay warbixin cusub oo kasoo baxday Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay.

Guddi khubaro ka socda Golaha Amniga oo dusha kala socda arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray warbixintaan, oo aan weli bulshada loo soo bandhigin, balse New York Times ay heshay nuqul kamid ah.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Al-Shabaab gudaha u galeen dekedda Muqdisho, iyagoo si hoose u qaata canshuuraha badeecadaha.

Guddiga warbixintan soo saaray ayaa dhaleeceeyay dowladda Soomaaliya, waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay in ay qaaddo tillaabooyin ay ku casriyeyneyso bangiyadeeda si kooxaha sida Shabaab ee cunaqabateynta saaran aysan uga faa’iideysan daciifnimada nidaamka.

“Adeegsiga Al-Shabab ee nidaamka bangiyada wuxuu awood u siinayaa in si dhaqso ah loogu gudbiyo dhaqaalaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Muddadii warbixinta lagu jiray, laga soo billaabo Diseembar illaa iyo Ogosto, qorayaasha warbixintu waxay heleen caddeyn muujineysa in Al-Shabaab ay u soo xarootay dakhli dhan 13 milyan oo doollar.

Qiyaastii $ 2.4 milyan kamid ah lacagtan waxaa la sheegay in ay kasoo xarootay kantaroolada Alshabaab ee gobolka Jubbada Hoose, halka $ 5.8 milyana laga soo aruriyay dekedda kismaayo.

Warbixinta ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixisay nidaamka maaliyadeed ee si wanaagsan loo abaabulay ee Al Shabaab iyadoo lala socdo xisaab celin joogto ah si looga hortago qasaaraha.

Marka laga soo tago kharashaadka ku baxa sirdoonka iyo militariga”Al shabaab waxay tobanaan kun oo doollar ku maal-galisay hanti iyo ganacsi ganacsi Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, kaasoo iibiya badeecooyin kala duwan waana suuqa ugu weyn dalka ee furan” ayaa lagu yiri warbixinta.

Natiijooyinka la helay waxa ay cadeynayaan sida Shabaab ugu dhex milmeen bulshada Soomaaliyeed, ayuu yiri Rashiid Cabdi, oo ah falanqeeye iyo cilmibaare ku xeel dheer Geeska Afrika.

Cabdi wuxuu ku yiri wareysiga taleefoonka “Ma ahan hada kacdoon ee waa awood dhaqaale ” waa dowlad hadheysa oo canshuuraha ka qaadeysa dowlada xitaa meelaha aysan xukumin. Al-Shabaab, ayuu yiri, waxay noqonayaan “urur aad u xooggan, adkeysi leh oo xididaysan oo aan ku tiirsanaan xoog ama millatari si ay mid u sii ahaato.”

Daraasad dhowaan la sameeyay ayaa sidoo kale muujisay sida nidaamka xawaaladaha aan rasmiga aheyn ee wadanka ee xawilaaduhu ay hoosta uga xariiqayaan iibka iyo ka ganacsiga hubka sharci darada ah.

Wareysi uu bixiyay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Beileh, wuxuu qirey adeegsiga baahsan ee ay Al Shabaabku u adeegsanayaan nidaamyada maaliyadeed ee gudaha.

“Waxaan la kulannaa bangiyada waxaanan u sheegaynaa khatarta ay ku sugan yihiin,” ayuu ku yiri wareysi. in lacag lagu raro. “Kuwani waa dad aad u caqli badan oo aad u khiyaano badan,” ayuu yiri.

Kadib tobanaan sano oo dagaal ah, Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay heer nabadeed, iyada oo u muuqata in ay dhistay hay’ado dowladeed oo shaqeynaya. Tan waxaa ka mid ah kormeerida xarumaha maaliyadeed sida bangiyada iyo meel marinta sharciyada ka dhanka ah lacagaha been abuurka ah iyo maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More