Midowga Musharixiinta 2021 oo war kasoo saaray Xaaladda

Ridwaan Xirsi Maxamed Afhayeenka Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 20/21 ayaa faah-faahiyay wajiga labaad ee Shirkooda uu ku saabsan daba-galka qodobadii ay ku heshiiyeen 28-ka November 2020 & la kulanka dhinacyada aysan horay ula fadhiisan.

Musharixiinta ayaa ka digtay dhibaatooyin horleh oo ka dhaca Deegaannada DG Jubbaland, isla markaana la dhageysto dalabka kasoo yeeray hoggaanka maamulkaas oo ah in Ciidanka Dowladda Federaalka laga qaado Gobolka Gedo.

“Waxa aan marwaliba u taaganahay doorasho nabadgalyo ku dhacda oo aan dhaafin waqtigeeda, waxa aynu maqleynay hadallo xanafleh oo kasoo yeeray dad mas’uuliyiin ah iyo kuwa wajahan Dowlad Goboleedyada sida Jubbaland oo ay dhici karto DFS ay ula dhaqanto Siyaasad gaar ah” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Midowga Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya 2021.

Dhanka Amniga Musharixiinta Hogaamiyaha waxa ay soo jeediyeen in Dowladda Federaalka in Shacabka ay u hoggaamiso sidii kaalintooda ay uga qaadan lahaayeen sugidda Ammaanka oo qaraxyo ay ka dhaceen sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa maalmahaan soo cusboonaaday Dhibaatooyin xagga amniga ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho, aniga oo aad iyo aad uga xun waxa aan leenahay kana tacsiyeenay dadkii & dhalinyaradii ku geeriyootay shilkaas dhanka Amniga ah, waa dadka Soomaaliyeed meel uga soo wada jeestaan Sugidda Amniga, Dowladduna ay siiso hortabinta ammaanka waqtigaan Xasaasiga ah ee lagu jiro Doorashada” Afhayeenka Musharixiinta Hogaamiyaha ayaa sidaas u sheegay Warbaahinta.

Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ayaa xod-xodasho kawada Magaalada Muqdisho si ay u jebiyaan gidaarka siyaasadeed ee kahortaagan Doorashada 20/21 si ay ula tartamaan Hogaamiyayaasha talada heysa.

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More