Maxamed Xasan: Qofkii Sawir la gala Musharax howshiisu way

Maxamed Xasan Maxamed Guddoomiyaha Guddiga kaladhimman ee lagu muransan yahay oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sharaxay shaqada guddigiisa hortaalla, caqabadda uu wajahayo & diidmada Musharixiinta.

Guddoomiye Maxamed ayaa tilmaamay in Guddigooda sawirka laga qaatay uusan ka tarjumeen, maadaama shaqadooda ay tahay Fulinta waxa loo diray & farsamada loo adeegsanayo.

Cadaalad sameynta ayuu shaaciyay in aysan ku xirneen rabitaanka dadka soo xulay balse ay tahay mid nafsad ahaan qofka ku beeran, kaliya shaqada laga sugayo xubnaha Guddiga ay tahay raacista sharciga adag ee u yaalla.

“Qofka Qof wuu keeni karaa, Laakiin in uu cadaalad sameeyo kuma xirna ee waxa ay ku xiran tahay Qofka waxa uu u sameysan yahay, haddii aad ahayd qof Musuq badan ama u dhashay way kugu yaraaneysaa cadaalad” Sidaasi waxaa yiri Guddoomiyaha Guddiga Doorashada ay xareysay DFS.

Waxa uu sheegay in ay jiraan shuruuc & xeerar lagu xakameynayo si guddiga loogu kalsoonaado, maadaama ay gacanta ku dhigayaan hab maamulka Doorashada, Fulinta & howlaha farsamada ee la sameynayo.

“Guddiga waxaa u yaalla Xeerar adag oo u degsan si loogu ilaaliyo shaqada, taasi waxa ay meesha ka saareysaa in cid kasta oo la keensaday uu sameysto waxa uu doono, haddii qof kamid ah guddiga lagu helay in uu isku sawiray musharixiinta inta howsha lagu jiray howshiisu way bureysaa” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Xasan.

Musharixiinta Hogaamiyaha Soomaaliya qaarkood ayaa dhawaan sheegay in Shaqsiyaad katirsan Guddiga Doorashada ay barahooda Bulshada soo dhigeen qoraallo ay ku taageerayaan Hogaamiyaha DFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, taasina ay haadaan ka tuurtay kalsoonida lagu qabo.

Haddaba, Guddiga Doorashada miyuu kasban karaa kalsooni keeni karta in isbadal uu ku yimaado aragtida shaqsiayadka qaar ay ka qabaan?

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More