Mareykanka oo ka digaya in Taliban la wareegto

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood waa haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya.

Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay.

Hogaamiye Joe Biden ayaa go’aan ka gaaraya in 1-da bisha May uu qeybtii ugu danbeysay ee ciidamada Mareykanka oo gaaraya 3,500 ka soo saaro Afghanistan, taasi oo qeyb ka aheyd heshiiskii Febraayo 2020 uu maamulkii Donald Trump la galay kooxda Taliban.

Wargeyska New York Times ayaa ku warramaya in qaar ka mid ah saraakiisha Mareykanka ee doorbidaya in ciidamada Mareykanku ay sii joogaan Afghanistan ay adeegsanayaan warbixinta sirdoonka si ay ugu doodaan in ciidamadu ay dalkaasi sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay bixistooda ee 1-da May.

Aqalka Cad ayaa diiday in uu ka hadlo warbixintan sirdoon oo la diyaariyay sanadkii hore.

Biden ayaa khamiistii ka sheegay shirkiisii jaraa’id ee ugu horeeyay ee uu ku qabtay Aqalka Cad in ay adkaan doonto in la raaco waqtiga soo saarista loo qabtay, oo sidoo kale u baahan in lagu saaro ilaa 7,000 oo askari oo ka socda ciidamada isbahaysiga.

Laakin waxa kale oo uu sheegay “in uusan sawiran karin” in ciidamada Mareykanku ay dalkaasi sii joogaan sanadka danbe.

Taliban ayaa Jimcihii sheegtay in ay dib u bilaabi doonto dagaallada ka dhanka ah ciidamada shisheeye haddii ay ciidamadu sii joogaan ka dib waqtiga loo qabtay in dalkaasi looga saaro.

REUTERS iyo VOA

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More