Maamulka gobolka Banaadir oo odayaasha Murusade kala saftay …

Muqdisho (Axadle) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa soo saaray qoraal ugu hanjabay odayaashii dhaqanka beesha Murusade ee maanta baaqa iyo digniinta u diray dowlad goboleedka Puntland iyo beesha Majeerteen.

Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beesha Murusade oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Muqdisho ayaa Puntland uga digay inay toogato sideed nin oo lagu xukumay dil toogasho ah, kuwaas oo la soo bandhigay muuqaalo ay ku qiranayaan inay ka tirsanaayeen Amniyaadka Al-Shabaab, dilal badana ay fuliyeen.

“Waxaan muddo 2 Bilood ah daawanayay wareysiyo qeybo badan leh oo laga qaaday Madaxdii iyo dilaayaashii Alshabaab ee gacantooda ku laayay waxgaradkii gobolka Mudug laguna soo bandhigay Shabakadda AFMEER, waxaase dhakafaar igu noqotay inaan maanta Telefeshinada ka daawaday dad jooga gobolka Banaadir oo u doodaya Dambiilayaashii qiraalkooda iyo caddemahooda lagu xukamay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Cali Yare.

Cali ayaa ku hanjabay in odayaasha u doodaya ragaas lagu xukumay deegaanada Puntland uu la xisaabtami doono.

“Waa wax aan dhici karin inaan gobolka Banaadir wada joogno annaga iyo qof si dadban oo aan qarsoodi laheyn Idaacadaga ugu doodaya cadowga Shabaab waana la xisaabtameynaa dadkaas,” ayaa qoraalkiisa ku yiri.

Qoraalka Cali Yare ayaa intaas ku sii daray, “Waxaa iswaydiin mudan haddii ay walaalaheen Puntland qaab qabiil ah u beegsanayaan qabiil gaar ah oo hadda gacantooda ku jira maxay asbuucii hore u toogteen 18 nin oo u badnaa wiilashoodii reer Gaalkacyood ee iyagaku heybta ahaa?”

Sidoo kale guddoomiye Cali Yare waxa uu su’aal ka keenay sababta rag qirtay inay Shabaab ka tirsanaayeen loogu doodayo qabiil, maadaama aysan ayaguba qabiil ku cafin dadkii ay ka dileen, isagoo tusaale u soo qaatay dilal ay ragaasi qirteen inay ka geysteen koonfurta Gaalkacyo iyo Muqdisho, gaar ahaan degmada ay beeshaasi degto ee Deyniile.

“Haddiisa qabiilku amni yahay oo ay Alshabab ehelnimo garanayaan maxay kuwa hadda gacanta ku jira ee aan qiraalkooda daawanaynay u tirinayeen inta halaag oo ay Muqdisho iyo Koonfurta Gaalkacyo ka geeysteen inta aanba Waqooyiga Gaalkacyo loo gudbin?Alshabaab ehel iyo arxan toona ma leh ( Waxaan daawaday mid tilmaamaya dadkii uu Degmada Dayniile ku dilay)” ayuu ku yiri qoraalka.

Waxa uu sheegay in maamulka gobolka Mudug ee Puntland ay ku garabtaaganyihiin “go’aanka geesinimada leh oo ay indhaha uga rideen cadowga Ummada Soomaaliyeed ee Alshabaab waxaanan ku boorineynaa in ay sii xoojiyaan howsha wanaagsan oo ay qabteen,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii Cali Yare waxa uu maamulka gobolka Mudug ee Puntland uga mahadceliyey kaalmadii Shidaalka iyo Raashinka isugu jirtay ee shalay ay ku garab istaageen ciidamada Galmudug ee Al-Shabaab kula dagaalamaya koonfurta gobolka Mudug.

Odayaasha beesha Murusade ayaa maanta waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo cuskaday xukunkooda lix kamid ah raga 8-deeda ah, isla markaana sheegay in ciidamadu ku qasbeen inay qirtaan wax aysan shaqo ku laheyn, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxaa idiin sheegeyna dadkii hore ee aad disheen kuwii hore waa tageen, waxa dambe oo hadda gacantiina ku jira bad-baadiya, meel walba ayaa daadsan tihiin. Kuwo cuqaal iyo tujaar ah ayaa halkaan jooga ee dadka nabad geliya, haddaad nabad-gelin weysaan xeradiina ayaa ka garaneysan oo caqligiina imaanaya,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaashii maanta shirka jaraa’id qabtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More