Kenya ayaa wali baadi goobeysa meydka sarkaal laga afduubtay

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa afduubtay isla markaana qoorta ka jaray horjoogayaal dhowr tuulo oo ka tirsan waqooyi bari ee Kenya una dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, sida laga soo xigtay ilaha amniga Kenya iyo warbaahinta ku hadasha afka Al-Shabaab

Cumar Aadan Buul, , madaxii Gumarey ee ismaamulka Wajeer, waxaa afduubay jimcihii maleeshiyo ka tirsan al-Shabaab oo weerartay aagga isaga oo “khudbad uu u jeedinayay dadka deegaanka”, sida ay sheegtay warbaahinta Kenya.

“Waa run gudoomiyaha ayaa la waayey asbuucii la soo dhaafay laakiin waxaa la helay isagoo meyd ah, madixiisa ayaa lagu tuuray wadada laakin inta kale ee jirkiisa wali waa la la’yahay. ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska deegaanka oo diiday in magaciisa la xigto.

Sarkaal kale oo booliis ah ayaa yidhi Waxaan helnay madaxiisa, ma hayno qeybaha kale ee jirkiisa.

“Tani waa shaqada al-Shabaab. Waxaan raadineynaa jirka intiisa kale ama qeybaha. Waxaan rajeyneynaa inuusan u gudbin dhanka kale.” ayuu raaciyay xadka Soomaaliya.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda “dilka”, sida ay sheegtay warbaahinta taabacsan Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay qabteen madaxii maxaabiista intii uu socday weerar ay ku qaadeen saldhigga booliska Kenya, sheegashadaas oo aysan dowladdu weli ka hadlin.

Al Shabaab oo weeraro badan ka fulisay Somaliya, ayaa weeraro isdaba joog ah ka fulisay Gobolada Xeebta ee Kenya.

Sanadkii 2011, Al Shabaab waxaa laga saaray magaalada caasimada ah ee Muqdisho ciidamada dowladda oo ay taageerayaan 20,000 oo ka tirsan nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Laakiin wali waxay maamushaa dhul ballaaran oo ka baxsan magaalooyinka waaweyn, halkaas oo ay ka fuliso weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada dowladda, ciidamada AMISOM iyo sidoo kale mararka qaar inay ka gudbaan xadka si ay weeraro uga geystaan ​​dalalka deriska la ah Soomaaliya sida Kenya iyo Uganda.

Al-Shabaab ayaa xoojisay weerarada ay ka geysato Kenya sanadihii la soo dhaafay, oo ay ku jiraan dhowr weerar oo waaweyn oo illaa caasimada Nairobi ay ku dileen ku dhowaad 300.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More