DEG-DEG: Bayern Munich Oo Dhamaystirtay Saxiixa João Palhinha

Kooxda Bayern Munich ayaa sii wada wacdarihii ay ka dhigaysay suuqa kala iibsiga xagaaga.

- Advertisement -

Bayern Munich ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee kooxda Fulham João Palhinha.

Kooxda Bayern ayaa xiddiga João Palhinha ka bixisay lacag dhan 45 milyan oo euro.

Kooxda reer Germany ayaa ugu dambayn heshay saxiixa xiddiga oo ay ku raad joogtay ilaa suuqii January.

Xiddiga João Palhinha ayaa qalinka ku duugay heshiis 4 sano ah oo uu joogi doono kooxda ilaa sanadka 2028.

Sida uu xaqiijiyay Fabrizio Romano xiddiga reer Portugal ee João Palhinha ayaa Si Rasmi ah u noqday xiddig cusub oo Bayern Munich ah iyada oo la sugayo xaqiijinta kooxda.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More