Gobaladda Waqooyi oo jawaab iyo digniin adag ka bixisay warqad kaso…

Hargeysa (Axadle) – Wasaaradda waxbarashada Gobaladda Waqooyi ayaa si adag uga jawaabtay warqad dhawaan kasoo baxday maamulka Puntland, taasi oo lagu mamnuucayay in imtixaanka shahaadiga ah ee Gobaladda Waqooyi lga mamnuucay gobolka Sanaag.

Gobaladda Waqooyi ayaa qoraalka kasoo baxay Puntland ku sheegtay wax laga xumaado, ayadoona ku tilmaamtay mid “xagjir-nimo ah” oo aan sharciyad ku dhisneyn, islamarkaana wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda Gobaladda Waqooyi.

War-saxaafadeedka kasoo baxay wasaaradda waxbarashada Gobaladda Waqooyi ayaa sidoo kale waxaa lagu faray maamulka gobolka Badhan inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalada qalafsan ee kasoo baxay maamulka Puntland, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Gobaladda Waqooyi ayaa sidoo kale ayadoo ka jawaabeysa warqadaas u digtay maamulka Puntland iyo cid kasta oo ku howlan khal-khal gelinta habsami u socodka imtixaanadka shahaadiga ah ee ay qaado.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran

Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Gobaladda Waqooyi waxay u xilsaarantahay in bulshada aqoontooda iyo garaadkooda la kobciyo si horumar waara loo gaadho. 25kii sanadood ee u danbeeyey imitxaanaadka shahaadiga ah waxaa si habsami ah looga qaadayey dhamaan ardayda wax ku barata gobolada iyo degmooyinka dalka.

Waxaan baraha bulshada ku aragnay warqada sumadeedu tahay W/W/W/TS/211/2021, kana soo baxday maamul goboleedka Puntland ee dalka aanu jaarka nahay ee Soomaaliya, nuxurkeeduna yahay khalkhal galinta goobaha Imtixaanaadka shahaadiga ah ee qaybo ka tirsan dalka JSL.

Wasaarada Waxbarashada JSL waxay u aragtaa qoraalkaas hadal xagjirnimo ah oo aan sharciyad ku dhisneyn, oo habayaratee aan wax saameyn ah ku yeelan karin howlaha qaadista Imtixanaadka shahaadiga ah ee ardayda JSL.

Waxaanu maamulka Gobolka Badhan la socodsiinaynaa inay indho dhow iyo feejignaan u yeeshaan hadalkaa xagjirnimada ah, si aan waalidiinta iyo ardayda loo gelin dareen aan jirin.

Ugu dambayn Wasaaradda Waxbarashada JSL waxay uga digaysaa cidkastoo isku dayda ama ku fikirta khalkhal gelinta habsami u socodka imtixaanaadka qaranka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More