Dhimashada Covid-19 adduunka oo dhan ayaa sii kordheysa

Kiisaska dhimashada, bogsashadda dadka iyo kuwa qaadey coronavirus ayaa kor u kacay adduunka toddobaadyadii la soo dhaafay ka dib markii dalal badan ay soo sheegeen kiisas cusub.

Kiiska guud ee Covid-19 guud ahaan waxaay gaadhay 138,057,338 (Boqol, soddon iyo siddeed milyan, konton iyo toddoba kun, saddex boqol, iyo siddeed iyo soddon), halka tirada dhimashadu gaadhay 2,972,992 (Laba Milyan, Sagaal Boqol, Todobaatan & Laba Kun, Sagaal Boqol, Sagaashan & Laba Ruux), halkaasoo ay ka bogsadeen 111,087,366 (Boqol, toban iyo hal milyan, sideetan iyo toddoba kun, saddex boqol, lix iyo lixdan).

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Qaramada Midoobay (WHO) ayaa sheegtay in waddamada qaar ay wali si joogto ah u gudbiyaan kiisaska maalin kasta, halka waddamada kale marna wala waayo mararka qaarkana laga helo.

Yurub iyo Ameerika ayaa ka feejigan faafitaanka inta lagu guda jiro mowjadaha seddexaad ee Covid-19, maadaama isbedelka cimilada ay dalalka qaar galeen xilli roobaadka, halka kuwa kalena ay ku jiraan wali xilliga jiilaalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More