QORSHE CUSUB: Barcelona Oo Qorshe Kale U Dajisatay Saxeexa Haaland,

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo warramayaa inay dhigatay qorshe cusub oo ay kusoo xerogalinayso weeraryahanka Borussia Dortmund ee Erling Haaland oo ah xiddiga wakhti xaadirkan loogu doonista badan yahay qaarada Yurub.

Barcelona ayaa haddiiba ay saxeexa Haaland suuqa sanadkan doonayso ku qasbanaan doonta inay bixiso lacag ka badan 154 Milyan oo pound halka haddiiba ay xilli ciyaareed kale sugto heshiiskiisa lagu samayn karo kaliya 68 Milyan oo pound sanadka dambe ee 2022.

Wargeyska El Mundo ayaa sheegaya in Barcelona ay doorbidayso inay saxeexa Haaland samayso suuqa sanadkan balse ay ku faraxsan tahay inay sugto ilaa sanadka dambe haddiiba ay taasi ka dhigantahay in qiimihiisu hoos usoo dhacayo.

Qorshaha cusub ee ay Blaugrana ku doonayso saxeexa Erling ayaa ah inay u bandhigayaan inuu kooxdooda uga ciyaari doono door ka muhiimsan midka ay usoo bandhigtay kooxda ay xifaaltamaan ee Real Madrid.

Bogga hore ee wargerska ree Spain ee maalinlaha ah ayaa saaka oo Arbaca ah hordhac looga soo dhigay “Qorshaha Haaland” iyadoo warbixinta lagu sheegay inuu muhiimad ka weyn mida Real u yeelan doono Barca isla markaana hal sano oo sugitaan ahi ay heshiiskiisa ka dhigi karto mid hadda aad uga macquulsan.

Dhawaan ayay ahayd markii wakiilka Haaland ee Mino Raiola iyo aabaha Haaland ee Alf-Inge ay booqdeen Real Madrid iyo Barcelona oo ay wadahadalo la galeen taas oo dhalisay in la qiyaaso in mustaqbalka 20 sano jirkaasi uu yahay mid Spain yaala.

Warbixinta El Mundo ayaa lagu sheegay in Barcelona ay dhigeeda Real Madrid u aragto kooxda tartanka ugu weyn kula jirta ee saxeexa Haaland ay inta ugu badan uga baqayso.

Madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa filanaya inuu saxeexa Haaland samayn doono isaga oo u xaqiijinaya kaalinta uu ku yeelan doono mashruuca Camp Nou.

Arrinta kale ee caawinaysa Barca ayaa ah in madaxweynaha Madrid ee Florentino Perez uu muhiimada koowaad siinayo da’yarka PSG ee Kylian Mbappe halka haddii Haaland uu yimaado uu booska weeraryahanka dhexe kula tartami doono Karim Benzema.

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More