DEG DEG: Qarax xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo taliye ka ba…

Muqdisho (Axadle) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah Caasimadda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya, kaas oo dhawaqiisa laga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Zoobe iyo Banaadir ee  Caasimadda Muqdisho, waxaana uu geystay khasaare kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa, kaas oo la sheegay in lagu weeraray taliyaha qeybta Booliska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole oo xilligaas la socday kolonyo gaadiid ah oo mareysay waddadaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Axadle u sheegay in Farxaan Qaroole uu ka bad-baaday qaraxa, balse waxay waxyeelo soo saartay askar kamid ah ilaaladiisa.

Sidoo kale waxaa jira waxyeelo soo gaartay dad badan oo shacab ah oo waddada marayey iyo kuwa kale oo ku sugnaa goobo ganacsi oo ku yaalla halkaasi.

Xaaladda goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa haatan aad u kacsan, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More