DAAWO: “Kaasi Ciyaartoy Ma Aha…” Thibaut Courtois Oo Liiska

Goolhayaha xulka qaranka Belgium ee Thibaut Courtois ayaa weerar ku qaaday weeraryahanka Manchester United ee Anthony Martial, kaas oo uu tayadiisa iyo awooddiisa ciyaareed wax ka sheegay.

Thibaut Courtois oo ka jawaabayay su’aalo uu toos u weydiinayay Jan Vertonghen ayaa waxa uu liidatay Anthony Martial oo uu ka saaray liiska ciyaartoyda waaweyn ee u qalmayay inay qaybta ka noqdaan tartanka qaramada Yurub.

Belgium ayaa waxay ku hadheen wareegga 16ka si la mid ah Faransiiska, waxaana 2-1 ku garaacay Talyaaniga.

Vertonghen ayaa waraysi maqal iyo muuqaal ah ka qaaday Courtois waxaanu weydiiyey arrimo badan oo la xidhiidha ciyaaryahannada u qalmayay in lagu soo daro xulalkooda tartanka Euro ee aan lasoo qaadanin, kuwaas oo uu ku jiray kabtankii hore ee Real Madrid ee Sergio Ramos.

Thibaut Courtois oo ka jawaabayay su’aal ahayd, haddii uu Martial ku jiro liiska ciyaartoyda waaweyn ee laga yimid, waxa uu ku jawaabay: “Isagu [Martial] ma aha ciyaartoy wanaagsan”.

Faransiiska ayaa ka yimid Martial, waxaana laga doorbiday Marcus Thuram, Olivier Giroud iyo Wissm Ben Yedder, kuwaas oo kaydka usii fadhiyey Kylian Mbappe, Karim Benzema iyo Antoine Griezmann.

Courtois ayaa la weydiiyey ee ugu wanaagsan ee laga yimid ayaa la su’aalay, iyadoo la hor-dhigay magacyada Sergio Ramos, Virgil van Dijk oo dhaawac aan kasoo kabanin iyo Anthony Martial, laakiin waxa uu si kooban meesha uga saaray Martial oo uu xusay in aanu ciyaartoy wanaagsan ahayn.

Halkan ka daawo muuqaalka:

Courtois doesn’t rate Martial at all???pic.twitter.com/cGyp6AkzkU

— Callum (@Chelseatransfe2) July 9, 2021

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More