Daawo: Macallin Dilib ninkii isku maray Al-Shabaab iyo Daaci…

Muqdisho (Axadle) – Barnaamijka Gungaar oo warbaahinta dowladda Soomaaliya ay ku soo bandhigto xogta ay bixiyaan xubnaha nolosha lagu qabto ama isaga baxa kooxaha ka dagaalama dalka ee Al-Shabaab iyo Daacish ayaa caawa lagu soo bandhigay nin ku xeel-dheer sameynta document-yada oo lasoo shaqeeyey Shabaab iyo Daacish, labadaba.

Ninkaan waxaa lagu magacaabaa Macalin Saciid Cabdulle Dilib, waxaana lagu sheegay warbixintiisa inuu iskiis isku soo dhiibay oo uu maray nidaamka ay dowladdu u dejisay in lagu dhaqan celiyo dadka isaga soo baxa kooxaha xagjirka ah.

Waxa uu ka sheekeeyey hanaanka ay Al-Shabaab warbaahinta ugu marin habaabiyaan Bulshada iyo qaabka ay u qortaan dagaalyahanada cusub.

Ninkaan oo ku dhashay degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose waxa uu ku taqasusay culuumta Network Engineering, isagoo ka baxay mid ka mid ah jaamacadaha dalka. Sanadkii 2008-dii ayuu Al-Shabaab uga biiray Caasimadda Muqdisho.

Hoggaanka Al-Shabaab oo xilligaas ku qancay aqoonta uu u leeyahay luuqadaha Carabiga iyo English-ka iyo sidoo kale tiknoolajiyadda ayaa Macalin Saciid ku tashkiiliyey inuu la shaqeeyo kooxda, waxuuna ka caawi jiray dhanka warbaahinta iyo sameynta barnaamijyada.

Barnaamijyada ay soo bandhigaan Al-Shabaab markii ay sameynayaan waxa uu sheegay inay kasoo min guuri jireen, warbaahinta kooxaha kale ee jihaadiyiinta ah ee caalamka ka dagaalama, sida Al-Qaacida.

“Waayihii hore dadku waa ku soo yaaci jireen kooxda si ay ugu biiraan, laakiin hada taasi ma jirto oo cid ku biireysa malahan, marka waxay ku qasbanyihiin inay ciidan raadiyaan, qoysaska reer Miyiga ah ayey ilmaha kasoo wataan, waxayna ku dhahaan waxaan idiin bareynaa, inta ay tababarayaan cunugu hadii uu xanuunsado waa lagu celiyaa reerkiisa oo mid kale ayaa keena la dhahaa, markii la tababarana waxaa laga howlgeliyaa gobolka kale oo kii uu u dhashay aad uga fog,” ayuu yiri Macalin Saciid Dilib.

Sidoo kale ninkaan waxa uu sheegay in mar uu isaga baxay Al-Shabaab uu buuraleyda gobolka Bari ee Puntland uu uga biiray kooxda Daacish, balse uu dib ugu laabtay mar kale Al-Shabaab, kadib markii uu wax tix-gelin ah ka waayey Daacish.

Hoggaamiyaha Daacishta Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin ayuu sheegay inuu kula kulmay buuraleyda gobolka Bari, isla markaana kooxdaan uu ka waayey wax tix-gelin ah, balse wax badan ay ka faa’iideystay aqoontiisa.

“Markii aan Daacish aaday waxaan qaatay go’aan shakhsi ah, rag ku jiray oo aan saaxiibo nahay ayaa ii soo bandhigay inaan u sameeyo xiriiro dibadda ah, waana rabay inaan soo ogaado dhaqankooda iyo hadafkooda, laakiin waxay ii noqdeen wadadii ii suurta gelisay inaan isaga haro kooxaha jihadiyiinta ah, waxaan qaatay go’aan ah in dib dambe aana wax xiriir ah ula sameyn haba yaraatee koox jihaadi ah,” ayuu yiri ninkaan isku maray Shabaab iyo Daacish.

Hoos ka daawo barnaamijka lagu soo bandhigay xogta Macalin Saciid Dilib.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More