Daawo: Gobaladda Waqooyi oo hanjabaad culus u dirtay laba ka mid xu…

Hargeysa (Axadle) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta Gobaladda Waqooyi, Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa luuqad adag kula hadlay dowladda federaalka, gaar ahaan Ra’iisal wasaaraha ku-xigeenka Soomaaliya, Mahdi Guuleed iyo Wasiirka Maaliyada, Cabdiraxmaan Beyle.

Wasiir Koore ayaa waxa uu ku eedeyay Mahdi Guuleed iyo Beyle inay ka dambeeyan abaabul ka dhan ah Gobaladda Waqooyi oo laga bilaabay deeganadooda, kuwaasi oo inta badan lagu ilduufayo dhalinyarada, sida uu sheegay.

“Koley in aad warqad soo qorataan (Cafis dalbataan) ayaa ku dambeyn doontan, cadaawada aad Jamhuuriyada Gobaladda Waqooyi ka galeysaan waa mid idiin qornaan doonto oo bulshadu idiin xasuusnan doontan,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in cadaawada mas’uuliyiintaas gashadeen Gobaladda Waqooyi, aysan marnaba ilaawin doonin, taasi oo uu sheegay in lagula xisaabtami doono.

“Waan wada ognahay in waxa Xamar kasoo dhacdaan ama kasoo shaqeysaan aad Hargeysa ku dhistaan, Guryaihiina iyo hantidiiduna waa tirsan tahay,” ayuu yiri Wasiir Koore oo hanjabaad adag hawada u mariyey Mahdi Guuleed iyo Beyle.

Ugu dambeyntiina waxa uu Wasiirka ku dardaaray bulshada reer Gobaladda Waqooyi inay meel uga soo wada-jeestan waxkasta oo dhaawacaya jiritaanka Gobaladda Waqooyi, islamarkaana ay mas’uul ka yihiin difaaca iyo nabad-gelyada Gobaladda Waqooyi.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More