Baarlamaanka 2-aad ee Hir-Shabeelle oo maanta dhageysanaya

Guddiga Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Hir-Shabeelle ayaa shalay aqoonsi siiyay 6-Musharax oo u kala tartamaya qabashada Guddoomiyaha & ku xigeennada Baarlamaanka maamulkaas.

Musharixiinta ayaa min labo ugu tartameysa Guddoomiyaha, ku xigeenka 1-aad & 2-aad, saacadihii lasoo dhaafay Jowhar ayay ka wadeen kulamo siyaasadeedyo & kala xod-xodashada Xildhibaannada si ay usoo kala jiitaan Baarlamaanka ay ku haminayaan in ay guddoomiyaan.

5-kamid ah waa rag, halka hal haweeney oo kaliya ay ku jirto, waana Xildhibaan Canab Axmed Ciise oo u tartameysa kursiga Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Hir-Shabeelle oo ay ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir) ayaa ku loolamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Hir-Shabeelle, midkood ayaa qabanaya Xilkaas, maadaama kaliya labadooda ay ku tartamayaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji MaxamedXildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir)

Xildhibaan Saadaq Salaad Warsame & Xildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle waxa ay isu diiwaangeliyeen qabashada jagada Guddoomiyaha kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka 2aad Ee DG Hir-Shabeelle.

Xildhibaan Saadaq Salaad WarsameXildhibaan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Hir-Shabeelle waxaa ku loolamaya Xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan & Xildhiban Canab Axmed Ciise oo kursigaan ku fadhisay 4-tii sano ee lasoo dhaafay.

Xildhibaan Mahad Xasan CusmaanXildhibaan Canab Axmed Ciise

Axadle.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More