Axmed Ciise Cawad “Xukumadda Fedaraalka waa iney Itoobiya kala hadasho damaceeda Badda Soomaaliya”

 
Isniin, May, 27, 2024 (AX) – Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha Dibada Soomaaliya Danjire Axmed Ciise Cawad ayaa Xukuumadda Soomaaliya ku dhaliilay diidmada iney Itoobiya kala fariisato arinta damaceeda qeyb ka mid ah biyaha iyo dhulka Soomaaliya.
Danjire Axmed Ciise ayaa sheegay in dowladda Fedaraalka ay si cad u diiday kulamo dowladaha Kenya iyo Jabuuti iyo dalalka Caalamka ay ku doonayeen iney isaga hor keenaan Soomaaliya iyo Itoobiya si ay uga wada hadlaan heshiiskii Itoobiya ay la gashay Gobaladda Waqooyi.
“Xukuimadda Soomaaliya ma ahan iney diido kulamada lagu doonayo wadahadal ay Itoobiya kala yeelato damaceeda qeyb ka mid ah Biyaha iyo dhulka Soomaaliya, waa iney la fariisato oo si diblmaasiyadeed oo cad ugu sheegto in Itoobiya heshiiska ay gashay inuu yahay mid qalad ah ayna ka laabo si labada dal uga sii dhaxeeyo daris wanaaga ee mahan in Soomaaliya diido wadahal” ayuu yiri Ambasador Axmed Ciise Cawad.
Wuxuu sidoo kale sheegay Axmed Ciise Cawad in dalalka Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta labaduba ay Soomaaliya ku sameeyaan xadgudubyo.
“Aduunka oo idil ayaa Soomaaliya taageeray oo ka horyimid damaca Itoobiya oo dowladda Fedaraalka waxay dhankaas ka gaartay guulo diblumaasiyadeed, marka iyada oo ay cadahay guushada mahan in laga leex leexado kulamada tooska ah” ayuu yiri Axmed Ciise Cawad.
Ugu dambeyntii Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya iney ka shaqeeyaan wax walba oo horseed u ah horumarka iyo xasiloonida dalka.


This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More