Sababtii Dhabta Ahayd Ee Zinadine Zidane Ku Dhalisay Go’aanka Uu Kaga

Tababarihii ka tagay kooxda Real Madrid ee Zinadine Zidane ayaa ugu dambayn saaka soo saaray waraaq furan oo uu u diray jamaahiirta kooxdaas isaga oo ugu caddeeyay sababtii uu kooxda uga tagay.

- Advertisement -

Walow ay jiraan sababo kala duwan oo Zidane ku qasbay inuu iskaga tago Real Madrid haddana waxa jirta hal sabab oo la sheegay inay tahay mid ku qalqaalisay inuu deg-deg su’aal u geliyo sii joogistiisa kooxda.

Zidane ayaa ayaan haysan taageerada kooxda waxaana uu si buuxda u dareemay inaysan kooxdu isaga taageersanayn markii uu galay wakhti adag ee ay saxaafadu ku dooday in shaqada laga caydhinayo.

MARCA ayaa deg-deg uga hadlay mustaqbalka Zidane kaddib guuldarradii ugu horreysay ee Champions League ee kasoo gaadhay Shakhtar Donetsk iyadoo ku ahayd guuldarradii shanaad ee 15 kulan dhexdood gaadha.

Sidoo kale saxaafada ree Spain oo u muuqatay kuwo cadaadis badan saaraya Zidane ayay wargeysyada El Espanol iyo El Mundo sheegeen in tababaraha French-ka ahi uu halis ugu jiro inuu shaqadiisa waayo wakhtigaas.

Kaddib dhammaan dib u dhacyadaas, Zidane ayaa soo laabtay isaga oo isku difaacay shir saxaafadeed ka horreeyay ciyaar isaga oo sheegay in ciyaaryahanadu ay wali si adag u shaqaynayaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More