RASMI: Dalka Lagu Ciyaari Doono Copa America Oo Lagu Dhawaaqay Kaddib

Xidhiidhka kubadda cagta South America ee CONMEBOL ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay dalka ay u wareejiyeen martigelinta tartanka Copa America kaddib markii ay ka qaadeen dalalka Argentina iyo Colombia.

- Advertisement -

CONMEBOL ayaa sheegay in tartanka lagu martigelin doono oo lagu qaban doono gudaha dalka difaacanaya koobka ee Brazil.

Dalalka Argentina iyo Colombia ayaa la filayay inay si wadajir ah u qabtaan martigelinta iyadoo noqon lahayd markii ugu horreysay ee ay laba dal wada martigeliyeen koobkaas 105-ta sano ee uu jiro.

CONMEBOL ayaa go’aansaday inay Colombia ka wareejiyaan masuuliyada 20-kii May maadaama oo ay mudaharaadyo ka dhaceen dalkaas halka ay Argentina maanta uga qaadeen tartanka sababtoo ah tirada Korona Fayras ee dalkaas oo sii korodhay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More