Maxaa horyaalla RW Rooble muddo xileedka 140-ka Cishe ah?
Maxamed Xuseen Rooble Ra’iisul wasaaraha kalsoonida maanta weydiisanaya Golaha Shacabka BFS waxaa horyaalla howlo shaqo oo ay ugu weyn tahay Doorashada dhawaan lagu heshiiyay nuuca ay noqoneyso iyo qaabka ay u dhaceyso.
Prof Maxamed Xasan Doob oo la hadlay Axadle ayaa sheegay in Maxamed Xuseen Rooble howlo badan horyaallaan waxaana kamid ah hirgelinta 15-ka qodob oo ay ku heshiiyeen Madaxda DFS & DG.
Doob ayaa sheegay in haddii uu dajiyo qorshooyin siyaasiyeed iyo amni in…