Yaa Gaaray Go’aanka Inuu Lionel Messi U Dheelin Barcelona
Tababare Ronald Koeman ayaa caado ka dhigtay inuusan si weyn oo xad ka bax ah u isticmaalin Lionel Messi iyadoo tababaraha reer Holland uu xiddiga reer Argentina ka reebay kulanka ay u safrayaan kooxda Ferencvaros todobaadkan.Isagoo seegay kulankii ay 4-0 kaga badiyeen Dynamo Kyiv isbuucii la soo dhaafay, Messi ayaa mar kale ka maqan Barcelona iyagoo la ciyaaraya kooxda Ferencvaros xilli ay xaqiijisteen u soo bixitaankooda wareega 16ka Champions League.Iyadoo ay ku soo socoto kulanka ay gurigooda kula ciyaarayaan Juventus ee…