Maxaa kasoo baxay Shirka Amniga Galmudug ee Gaalkacyo lagu
Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble & Hogaamiyaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa wadajir u shir guddoomiyay kulan looga arrinsanayay ammaanka Deegaannada maamulkaas.
Fadhiga waxaa ka qaybgalay Wasiirada Amniga XFS, DG Galmudug, Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga, Taliyaha Ciidamada Xoogga, Booliiska, Nabadsugidda, maamulka Mudug iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirka Amniga DG Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in kulanka lagu go’aamiyay sidii looga jawaabi lahaa weerarkii Jimcihii lagu dilay saraakiisha Militariga Soomaaliya ee ka dhacay Koofurta Gaalkacyo.
“Shirkaan waxa uu ku saabsanaa in la iska wareysto falcelinta dhacdadii lagu dilay saraakiisha & jawaabta ku habboon si loogu aargudo cadawgii dhibaateeyay walaalaha shahiiday, waxaana lagu go’aan gaaray fulinta qaabka cusub ee loola falgalayo Argagixisada oo aad arki doontaan sida uga dhaqsiyaha badan” ayuu yiri Wasiirka Amniga DG Galmudug.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay shacabka ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Ciidamada kala duwan ee howlgalka sameynaya, maadaama uu tilmaamay in mar waliba Al-Shabaab beegsaneyso dadka ka dhex muuqda sida uu hadalka u dhigay.
Qaraxii ka dhacay Koofurta Gaalkacyo 18-ka December 2020 waxaa ku dhintay Taliyihii qaybta 21-aad ee CXD Gen. Cabdicaiis Cabdullaahi Qoooje, Taliyihii Ciidanka DANAB ee Galmudug Gaashaanle Mukhtaar Cabdi Aadan, ku xigeenkiisa, Guddoomiyihii hore ee Gaalkacyo ee DG Puntland Maxamuud Yaasiin Tumey, & Shacab ku dhintay qaraxaas.
Axadle.