Mahad Salaad wuxuu sharxayaa sida loogu diiday shirkii Golaha
Muqdisho (Axadle) – Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah 15-kii xildhibaan ee lagu ganaaxay in aysan ka soo qeyb gelin shanta fadhi ee soo socota ee golaha shacabka ayaa soo saaray qoraal uu uga faaloonayo wixii ay maanta kala kulmeen ciidamadii ammaanka ee loogu tala galay inay ka celiyaan afaafka hore ee madaxtooyada, si aysan u xaadirin kulankii maanta ee golaha.
Waxa uu sheegay in ciidamada la dhigay goobaha loogu tala galay in aysan soo dhaafin iyo kuwa iyaga istaafka u ahaa ay qaraabo noqdeen, taas oo ka baajisay…