Neymar Oo Sheegay Sababtii Uu Dabaaldega Waalida Ah Ugu Hor Sameeyay
Garabka weerar ee kooxda Paris Saint-Germain ee Neymar ayaa ku dooday kaddib markii uu soo dhammaaday kulankii ay xalay ka gudbeen dhigooda Bayern Munich in uusan si ulakac ah ugu hor dabaaldegin khadka dhexe ee kooxdaas ee Joshu Kimmich.Laakiin Neymar ayaa dhinaca kale qaba in qadarku uu isaga hor keenay Kimmich markii uu dabaaldegayay kaddib hadalkii kasoo yeedhay dhawaan xiddiga German-ka ah ee uu ku quudhsanayay awooda kooxda French-ka ah.Walow ay xalay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Bayern kaddib goolkii Eric…