Juventus Oo Ku Guuleysatay Coppa Italia, Buffon Oo Koob Sagootin Ah
Kooxda kubadda cagta Juventus ayaa ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay 2-1 kaga adkaatay Atalanta oo si adag u halgantay.Dejan Kulusevski ayaa dhaliyey goolka koowaad ee Juventus, waxaanu ka shaqeeyey oo uu caawiyey goolka labaad ee Juventus oo uu saxeexay Federico Chiesa qaybtii dambe, iyadoo Atalanta la timid hal gool oo gantaal ahaa oo uu Buffon waxba ka qaban kari waayey oo uu toogtay Ruslan Malinovskyi.Juventus ayaa Coppa Italia ku guuleysatay markeedii 14aad waxaanay sidaas kaga badbaadday in ay xilli…