Yaa Shir Gudoomin doona Shirka doorashooyinka ee Muqdisho?
Muqdisho (Axadle) – Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sharraxaad ka bixisay shirka wada-tashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka ee lagu wado inuu saacadaha soo socda ka furmo Caasimadda Muqdisho.
Afhayeenka xukuumadda Soomalaiya, Mudane Maxamed Ibraahim Macalimu oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inuu shirka ka dhacayo teendhada Afisyoone oo ku dhextaalo xerada Xalane, wuxuuna tilmaamay inay soo xaadireen ka qeyb-galayaasha marka laga reebo madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabelle oo isna…