Odowaa oo ku dhawaaqay in ciidamada nabad sugida qaranka ay ka baxeen Caasimadda Muqdisho – Axadle
Muqdisho (Axadle) - C / raxmaan Odawaa oo ah xoghayaha Madasha Xisbiyada Qaranka sidoo kalena ah mudane ka tirsan baarlamaanka ayaa wareysi uu siiyay Dalsan TV kaga hadlay arimo badan oo xasaasi ah.
Mudane Odowaa ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday Maxamed C / llahi Farmaajo inuu mas'uul ka yahay xaalada dalka uu hada ku sugan yahay iyo dhibaatada, isagoo sheegay inuu isagu masuul ka yahay dadkii dhawaan ku barakacay Caasimadda…