Xog: Qaar ka mid ah xubnihii cabashada laga keenay ee guddiy…
Muqdisho (Axadle) – Faro-gelin xooggan ayaa lagu billaabay guddiga heerka wasiir ah ee Ra’iisul Wasaare Rooble uu u xil saaray baaritaanka xubnaha guddiga doorashada ee ay cabashada ka keeneen Midowga Musharaxiinta kuwaas oo gaaray illaa 67 xubnood, sida ay ogaatay Axadle.
Guddigan ayaa shaqadoodu tahay inay mid mid u baaraan xubnaha guddiga, kadibna go’aan kasoo gaaraan kuwa cabashada laga keenay ay saxda tahay si guddiga looga saaro, iyo kuwa…