“Ma Doonayo Inaan Bayern Ku Dhamaysto, Waxaan

Weeraryahanka reer Germany ee Thomas Muller ayaa sheegay in uu ka fiirsanayo in uu iskaga tago Bayern Munich oo uu tan iyo yaraantiisii ka tirsanaa.

- Advertisement -

Laacibkan ayaa qirtay in uu doonayo inuu raaco daqiiqii Thiago Alcantara oo kale oo uu ka baxo Allianz Arena,  waxaanu ku nuux-nuuxsaday in aanay isaga iyo Bayern isku dhegganayn.

Thomas Mulleer ayaa xirfaddiisa ciyaareed ka bilaabay Bayern Munich sannadkii 2008 oo uu kooxda koowaad ka mid noqday, waxaanu tan iyo waqtigaas la gaadhay guulo waaweyn oo ay ka mid yihiin Champions League, Bundesliga, German Cup, FIFA Club World Cup iyo koob kasta oo suurtogal ah oo uu ugu yaraan hal mar calfaday.

31 jirkan ayaa wali xubin muhiim ah ka ah safka Bayern Munich, laakiin waxa uu haddana bixiyey ishaaro ah in uu ka fikirayo in uu ka tago kooxdaas oo uu naadi kale u ciyaaro qayb ka mid ah waqtiga uga hadhsan waayihiisa ciyaareed.

Isagoo waraysi siinayay wargeyska The Times ayuu Thomas Muller yidhi: “Anigu kuma xidh-xidhni kooxdan. Waxaan la leeyahay xidhiidh cajiib ah, waan jeclaa Bayern tan iyo intii aanan ciyaarahaba bilaabin, laakiin marka ay timaaddo xaalad aad ku fikiri karto in aad u ciyaarto koox kale, ma noqonayso wax laga xishoodo iyo dhibaato midna.

“Waxa laga yaabaa, in aan sameeyo sida Thiago Alcantara oo kale…”.

Kooxahee lala xidhiidhinayaa Muller?

Kooxo badan oo Yurub ah ayaa waqtiyo hore xiisaynayay Thomas Muller, waxaana ka mid ahaa Manchester United iyo Real Madrid, halka Liverpool ay iyaduna waqti dambe muujisay xiisaheeda. Hadalkiisan ugu dambeeyey ayaa laga dhadhansaday in uu doonayo inuu ka ciyaaro Liverpool oo ay joogaan Thiago Alcantara oo ay saaxiibbo yihiin iyo Jurgen Klopp oo ah tababare ay si weyn u tixgeliyaan ciyaartoyda Jarmalku.

Maxaad kala socotaa Rikoodhka Muller ee Bayern Munich?

Muller waxa uu u ciyaaray kooxda Bayern Munich 571 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 212 gool iyo 210 gool oo uu caawiye ka noqday.

Khabiirkan afka hore ayaa Bayern Munich kula guuleystay 27 koob oo waaweyn oo ay ku jiraan sagaal horyaalka Bundesliga ah iyo laba Champions League.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More