Tahriibayaal ku nafwaayey Dooni ku qalibantay Xeebaha Tunisia

Dowlada Tunisia ayaa sheegtay in la helay meydadka 20 muhaajiriin ah, halka kooxaha gurmadka ay raadinayaan dad kale oo ilaa iyo hada aan la ogeyn.

Saraakiisha dowladda ayaa warbaahinta u sheegay in dadkaas ay ka baxeen mid ka mid ah xeebaha dalka oo ay si dhuumaaleysi ah ay doonayeen in ay ku galaan dalka Talyaaniga, maadaama dekedda Liibiya ay ka taagan tahay dhibaato.

Ciidamada ilaalada xeebaha Tunisia ayaa sheegay in doonta iyo meydadka ay dul sabeynayeen biyaha, halka qaarkoodna ay ku soo adeen dhanka xeebta  bartamaha magaalada Sfax.

Kooxaha gurmadka ayaa sheegay inay soo badbaadiyeen shan qof oo lagu daweynayo madama ay cabeen biyo aad u badan, kuwaas oo qaarkood lagu xiray hawadds oksijiinka, sababo la xiriira awood la’aanta ay ku neefsan karaan si dabiici ah.

Cali Ayaari oo ah afhayeenka ilaalada xeebaha Tunisia ayaa u sheegay wakaalada wararka ee Associated Press in doonta ay u qalibantay maadaama ay buux dhaafiyeen rakaabka, laakiin ay socdaan baaritaano lagu ogaanayo xaqiiqda.

Dowlada Tunisia ma aysan shaacin wadamada ay kasoo jeedaan tahriibayaasha Afrikaanka ah ee doonta la socday, waxaana lagu wadaa inay dib ugu celiso dalalkii ay ka yimaadeen markii howgalka baaritaanka la soo gabagabeeyo.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Tuniisiya ayaa sheegtay in ay xireen in ka badan 8,581 qof oo dalkaas u tagay tahriibinta intii u dhaxeysay Janaayo 2020 iyo September 2020.

Magafayaasha Liibiya oo lacago badan ka qaata dhalinyarada tahriibayaasha ah ee u socdaala wadanka dhaca Waqooyiga Afrika ayaa dhibaato badan ku haya muhaajiriinta, taas oo keentay in jidadka kale ay ka oo ay uga faa’iideysan karaan in ay deydeydaan ​​dadka tahriibiya dhalinyaradan sii ay macaashka badan uga sameyaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More