Maxay keeni kartaa diidmada midowga musharaxiinta

Muqdisho (Axadle) – Agaasime ku-xigeenka Machadka Heritage, Mursal Maxamuud Saney oo la hadlay BBC-da ayaa ka hadlay heshiiskii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ku gaareen habraaca cusub ee doorashada, kaasi oo mucaaridka uu diiday.

Mursal Saney ayaa ugu horeyntii sheegay in doorashada haddii la isku qabsado ay dhici karto in natiijada doorashada aan lagu wada qanci, taasi oo lumineysa kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay inay muhiim tahay mar walba in loo turo dalka, isagoona carabka ku adkeeyay in xiligan aan loo baahneyn wax ka badal, taasi oo uu sheegay inay diidan yihiin mucaaradka.

“Waxay ka diideen madaxweyne Farmaajo inuu siduu doono ka yeelo doorashada, marka hadda waxaa soo baxday Golaha in lagu saluugsan yahay wixii laga diiday Farmaajo ay rabaan in ayaga ay suubiyaan, oo ay badalaan wixii lagu heshiiyey,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay in cawaaqib xumo ka dhalan karto in la bedelo wixii lagu heshiiyey, kadib markii ay madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka soo saareen habraaca doorasho oo awooda u badan siinaya.

“Wixii hore loogu heshiiyey ayaa la bedelay, waxaa la yiri doorashada waxaa qabanaya oo maamulaya dowlad goboleedka oo looga fadhiyay inay fudeydiso, waxay xaq u leeyihiin inay hogaamiyaan aqalka sare oo dowlad goboleedka matalaya.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in waxa la isku hayo uu yahay wixii heshiiska lagu ahaa oo wax cusub la keenay, taasi oo meesha ka saaraysa heshiiskii hore ee doorashada ee wada-ogolka ahaa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More