Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Hogaamiye Farmaajo muxuu kala hadlay Guddoonka Baarlamaanka

Hogaamiyaha Dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan Muqdisho kula qaatay Guddoonka Baarlamaanka & Xidhibaannada DG Galmudug oo ku sugan Gobolka Banaadir. Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, Raysul Wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, Guddoomiyaha Baarlamaanka DG Maxamed Nuur Gacal, ku xigeenka 1-aad Cabdullaahi Xirsi Maxamed, ku xigeenka 2-aad Faadumo Cabdi Cali & Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyed…

IGAD oo muddeysay dhageysiga Dacwad Soomaaliya ay ka

Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Dacwad Dowladda Federaalka ay ka gudbisay Kenya la dhageysanayo 6-Cishe kadib oo ku beegan 20-ka December 2020 Axadda Todobaadka soo socda. Qoraalka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Jabuuti ay qabaneyso kulanka lagu dhageysanayo Gal dacweedka Xukuumadda Soomaaliya ay ka gudbisay dhiggeeda Kenya. “Iyadoo laga jawaabayo dhambaalka ka dhanka Kenya ee ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u gudbisay…

Hamdok oo ay wehliyaan saraakiil Milatari & Sirdoon ayaa

Raysul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ay la socdaan saraakiil Miritari iyo Sirdoon ayaa gaaray Itoobiya waxaana soo dhaweeyay Raysul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed. Raysul wasaaraha Suudaan Cabdalla Hamdok oo ay la socdaan saraakiil Miritari iyo Sirdoon ayaa gaaray Itoobiya, sida lagu sheegay war ka soo baxay Xafiiskiisa, iyada oo ay sii kordhayso dhibaatada soogalootiga gaaray Suudaan iyaga oo ka qaxaya colaadda gobolka Tigreega haatana ku sugan xuduudka labada dal. Raysul…

Maxay tahay cabsida laga qabo in uu dalku galo xaalad

Madaxweynihii 8 aad ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Soomaaliya ayaa wajihi karta xaalad dastuur la’aan ah hadii aan la qaadin talaabooyin deg deg oo badbaado ah, sidda uu sheegay madaxweynihii 8aad ee waddanka, Xasan Sheekh Maxamuud oo qoraal u diray hogaamiyayaasha dowladda federaalka ah. Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka UPD ayaa ku baaqay in labada gole ee baarlamaanka federaalka yeeshaan kulan deg-deg ah” oo looga arrinsanayo dib-u-dhigista…

Kenya maxay ka tiri safarka Muuse Biixi ee Nairob? –

Muuse Biixi oo lagu soo dhaweeyay Kenya. Hogaamiyaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa bari oo isniin ah lafilayaa in uu la kulmo hogaamiyaha somaliland muuse biixi oo booqasho ku jooga dalka Kenya si ay ugala hadlaan arimo kala duwan oo ku saabsan ganacsiga iyo amaanka, iyadoo ay jirto khilaaf diblumaasiyadeed oo kala dhaxeeya soomaaliya. War ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya ayaa lagu sheegay in safarkii ugu horreeyay ee rasmi ah ee Biixi uu ku tago Nairobi tan…

Shirka Amniga Doorashooyinka oo Muqdisho ka furmay! –

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeyo gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ahna Guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka qaranka ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shirka guddiga amniga doorashooyinka qaranka ee 2020/2021, kaasi oo ka socda xarunta Xalane ee garoonka Aadan Cadde. Shirkaan oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka qaranka ayaa  waxaa ka qeyb-galaya, Xubno ka kala socdo xafiisyada madaxweynaha,Raysul wasaaraha,Xoogga dalka,taliyaasha Ciidamada…

the municipal race before general elections

Postponed several times, local elections for elected councilors will take place today across Niger. They have not taken place since 2004 and the main effort is the control of the municipalities, especially the big cities such as Niamey, Zinder and Maradi. Members are elected for a five-year period. These elections also make it possible for political parties to know their weight before the major…

DFS oo sheegtay in ay dishay Ajaanib katirsan Al-Shabaab. –

Dowladda Federaalka ayaa faah-faahisay howlgal Ciidanka gaarka u tababaran ee DANAB ay ka fuliyeen Gobolka Shabeelaha Hoose gaar ahaan Degmada Sablaale oo lagu dilay xubno katirsan Al-Shabaab. Saraakiisha Ciidanka Xoogga gaar ahaan DANAB ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay 17-xubnood oo Soomaali & Ajaanib ah kuwaas oo ku sugnaa xarun lagu maamulo Kooxda qaabilsan Jabhada ee Al-Shabaab. Magacyada Ajaanibta Dowladda Soomaaliya ay soo bandhigtay ayaa kala ah: Suleymaan Abuu…

Booliiska Kenya oo Shacabka uga digay weeraro Al-Shabaab

Booliiska Kenya ayaa soosaaray digniin ku socota dadka rayidka ah si ay uga fogaadaan meelaha ay suuragal tahay in ay bartilmaameedsato koox katirsan Al-Shabaab oo ka tallaabtay xadka Soomaaliya. Laamaha ammaanka ayaa sheegay in dagaalyahanno katirsan Shabaab oo gaaraya 40-ruux in ay kasoo gudbeen dhanka Soomaaliya si ay weeraro ugu geystaan qaybo kamid ah Amuma & Hemey oo katirsan Ismaamulka Gaarisa Dhulka Soomaalida balse Kenya ay maamusho. Booliiska ayaa warbixin amni uu…

Al-Shabaab oo soo bandhigtay Magacyada & muuqaalka raggii

Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal laga duubay Raggii fuliyay weerarkii lagu qaaday Dusit D2 Magaalada Nairobe Caasimadda Dalka Kenya oo dhacay 15-kii Janaayo sanadkii 2019-kii oo sababay dhimasho, Dhaawac & Khasaare maaliyadeed. Weerarkaas oo socday 15-kii ilaa 16-kii Janaayo 2019-kii ayay Dowladda Kenya sheegtay in uu ka dhashay khasaare dhimasho oo dhan 21-ruux oo dhismaha la weeraray joogtay & 5-ta qof ee fulisay weerarka. Dhaawaca waxaa Dowladda Kenya u diiwaangashan…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More