Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Xildhibaan Warfaa: “Waa awood sheegasho in Xildhibaanka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ganaax shan kulan ah dul-dhigay 15-Xildhibaan oo ku eedeysan is hor istaag fadhiga Baarlamaanka uu shalay ku lahaa Muqdisho kadib markii Xildhibaannadaas ay muujiyeen shaki la xiriira in waqti kororsi loo sameynayo Dowladda muddo xileedkeeda dhammaaday. Xildhibaan Sadiiq Xirsi Warfaa oo kamid ah mudanayaasha ganaaxa shanta kulan ah la dul-dhigay oo la hadlay VOA ayaa nasiib darro ku tilmaamay in awoodda Dastuurka uu siiyay qiil looga dhigo kulan joojin…

Maxay isla garteen Qoor-Qoor, Guudlaawe & Golaha

Kulankaan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay Hogaamiyayaasha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor & Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, Guddoomiyaha Golaha Midowga Musharixiinta ahna Madaxweynihii Dowladdii KMG ahayd Shariif Sheekh Axmed, Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud & xubno kale oo golaha katirsan. Fadhiga oo Saacado qaatay waxa ay dhinacyada yeeshay is tusiyeen qaabka looga gudbi karo khilaafka daba-dheeraaday, maadaama muddo xileedka Hogaamiyayaasha Dowladda…

the Protestant Church publishes its roadmap

After the Catholic bishops, the Protestants raise their voices against any postponement of the 2023 election. The Church of Christ of the Congo (ECC), the second largest religious denomination in the country, was unveiled on Saturday, March 27 in Kinshasa, its roadmap in the presence of elected officials and civil society activists . For Protestants, it is a real race against time that must begin now to hold elections in time. as reported from Kinshasa, Pascal Mulegwa Time passes and the tone of the Protestant…

Farmaajo waxa uu rabaa in uu noqdo kama ‘dage’ waxa

Daahir Maxamuud Geelle, afhayeenka golaha Midowga Musharaxiinta ayaa ku eedeeyay madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu amray guddoonka Golaha Shacabka in ay muddo kororsi u sameeyaan. Geelle oo shir jaraa’id ka hadlayay Sabtida maanta ah ayaa ku booriyey Hogaamiye Farmaajo in uu dalka ku hogaamiyo doorasho daahfuran oo lagu wada qanacsanyahay. “Aad ayaan u cambaareynaynaa in la isku dayo in lasoo nooleeyo xilli xileedka dhamaadey. Ilaahey baa wax dhintay soo nooleeya.…

Mareykanka oo ka digaya in Taliban la wareegto

Hay’adaha sirdoonka Mareykanka ayaa u sheegay maamulka madaxweyne Biden in kooxda Taliban ay la wareegi karto inta badan Afghanistan labo ilaa saddex sano gudahood waa haddii ciidamada Mareykanka ay ka baxaan dalkaasi ka hor heshiis awood qeybsi oo dhexmara dhinacyada dagaalamaya. Haddii ay tani dhacdo, waxa ay u oggolaan doontaa al-Qaacidda in ay markale saldhigato Afghanistan, wargeyska New York Times oo xiganaya saraakiil Mareykan ah oo aan magacyadooda la sheegin ayaa sidaas wariyay. Hogaamiye Joe Biden ayaa go’aan…

Fadhigii Baarlamaanka oo lagu kala dareeray. –

Fadhigii Baarlamaanka ee shakiga dhaliyay ayaa goordhow lagu kala dareeray, kaddib buuq iyo jahwareer hareeyay fadhiga maanta oo Ajandihiisa lagu sheegay ka doodista xanuunka Covid-19 ee wadanka. Xildhibaannada Golaha Shacabka ee mucaaradka ah ayaa is hortaagay shirka inuu furmo, iyagoo ku eedeeyay Guddoonka inuu waday qorshe muddo kordhin ah. Buuq iyo jahwareerka ka dhacay xarunta golaha shacabka ayaa keenay inuu shirku fashilmo, waxaana Xildhibaanada qaar ay ka hor yimaadeen in ay saxiixaan warqada kooramka…

Biden oo shir looga hadlayo cimilada ku casuumay Xi

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa ku casuumay Shiinaha iyo Ruushka in ay ka mid noqdaan 40 dowladood oo ka qeyb gala shir madaxeedka caalamiga ah ee looga hadlayo isbeddelka cimilada ee dhacaya bisha Abriil, sida uu sheegay madaxweyne Joe Biden. Hogaamiyaha Shiinaha Xi Jinping iyo Hogaamiyaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka mid ahaa hogaamiyayaasha adduunka ee lagu casuumay shir madaxeedka Abril 22-23 ayuu yiri Biden. Shirka caalamiga ah ee looga hadlayo cimilada ayaa qayb ka ah dadaalka loogu jiro sare u qaadista isbedelka…

Maxay kawada hadlayaan Shanta Hogaamiye Goboleed

Magaalada Muqdisho waxa uu shir gaar ah maanta uga furmay Hogaamiyayaasha Dowlad-Goboleedyada Puntland, Galmudug, Jubbaland, Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle kadib markii ay soo sameeyeen wadatashi la xiriira Ajendaha Beesha Caalamka ka sugeysa. Kulanka oo Duhurnimadii maanta oo Sabti ah ka furmay Xalane waxa ay ka doodayaan Madax-Goboleedyada sidii ay u dejin lahaayeen Ajende ay ku mideysan yihiin oo lagu wajahayo xaaladda cakiran si isla todobaadkaan uu u furmo Shirka guud. Waa ay is aragti dhaafsanayaan,…

UK: “Waa in xal degdeg ah laga gaarayaa Muranka

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda & Barwaaqo-sooranka Boqortooyada Ingiriiska ayaa looga hadlay xaaladda Cakiran ee Soomaaliya gaar ahaan muranka hareeyay qabsoomidda doorashooyinka nuuceeda ay ku heshiiyeen Hogaamiyayaasha Federaalka & Dowlad-Goboleedyada. Qoraalka ayaa lagu sheegay in Boqortooyada Ingiriiska ay garab-siineyso hirgelinta heshiis Doorasho oo si wadajir ah loo wado, isla markaana uu sal u yahay is afgaradkii 17-kii September 2020 oo ah xalka keliya ay isla garteen Hogaamiyayaasha…

Waa maxay Aragtida Xildhibaannada ee Ajendaha loo

Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo Warbaahinta kula hadlay Xarunta Villa Hargeysa oo si KMG ah uu Baarlamaanka ugu shaqeynayo ayaa ka hadlay guuxa ka dhashay fadhigooda maanta oo kusoo beegmay waqti xasaasi ah & hadal heynta la xiriirta muddo dheereysiga Dowladda waqtigeedu dhammaaday in ay damacsan tahay. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad waxa uu sheegay in aqalka Baarlamaanka lagu wareejiyay Ciidamo hubeysan oo aysan gareyn sababta keentay in lasoo dul-dhigo maadaama madax sare aan lagu wargelin isla markaana qodob…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More