Browsing Category

Somalia

Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

Falanqayn:-In Ethiopia oo qabsato caasimada Tigray ma joojin karta

Hogaamiyaasha maamul goboleedka woqooyiga Tigray ee Ethiopia ayaa diiday sheegashada dowlada ee ah in ciidamada federaalku ay ku hareeraysan yihiin caasimada gobolka ee Mekelle, iyadoo ra’iisul wasaare Abiy Ahmed uu siinayay kooxda Tigray People’s Liberation Front (TPLF) in  ilaa Arbacada ay is ku soo dhiibaan. Hoggaamiyeyaasha TPLF ayaa Talaadadii sheegay in shacabka Tigreegu ay “diyaar u yihiin in ay dhintaan” iyagoo difaacaya dhulkooda waxayna sheegeen in ay “gabi ahaanba burburiyeen” qaybta federaalka ee makaanikada…

Musharixiinta ku shirsan Muqdisho oo doortay gudoon! –

Musharaxiinta Hogaamiyaha Soomaaliya ee 2021 oo ku shirsan maalintii 4 aad magaaladda Muqdosho ayaa gudooomiye u doortay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna hoggaamiyaha madasha xisbiyada qaran Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Musharixiinta ayaa sidoo kale, Xogheyn u doortay Xuseen Cabdi Xalane halka ay  Afhayeena u doorteen Ridwan Xirsi oo horay u ahaan jiray Raysul Wasaare Kuxigeenka Soomaaliya. Shirkii midowga Musharixiinta ayaa maanta waxaa ku biiray culimada Suufiyada iyada…

Maamulka Tigreega oo sheegay in ay hubaynayaan shacabka

Ciidamada la dagaallamaya dowladda federaalka Itoobiya ee waqooyiga gobolka Tigray ayaa “gabi ahaanba baabi’iyay” qeybta 21-aad ee makaanikada ah, afhayeenka ciidamada Tigray, Getachew Reda, ayaa sidaas sheegay Talaadadii. Reda waxa uu balanqaaday in ay “hubeyso qofkasta oo rayid ah si uu u difaaco magaalada Mekelle”, caasimada Tigreega ayaa maamula qiyaastii 500,000 oo qof. Isniintii, Mareykanku wuxuu ku baaqay in la dhexdhexaadiyo dowladda federaalka ee Itoobiya iyo kooxda…

Gen. Khaliif Ciise Mudan oo Turkiga ku geeriyooday &

La taliyaha dhanka Amniga Hogaamiyaha DG Puntland Gen. Khaliif Ciise Mudan ayaa ku geeriyooday dalka Turkiga oo loo geeyay howlo caafimaad sida ay Axadle u xaqiijiyeen mas’uuliyiin kala duwan. Khaliif Ciise Mudan ayaa Puntland kasoo qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka Amniga, haatan waxa uu ahaa la taliyaha Amniga Siciid Cabdullaahi Deni, sidoo kale waxa uu ka qaybgalay doorashada Dowlad Goboleedkaas ka dhacday Bishii Janaayo 2019-kii. Waa Kuma AUN Gen. Khaliif Ciise Mudan?…

“Argagixisadu waxa ay Gubtay 7-Gaadiid oo nuuca Xamuulka

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Captain Sadiiq Adan Cali Doodishe. Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliya Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Al-Shabaab xalay fiidkii ay gudbtay 7-Gaadiid oo ah kuwa Xamuulka ah kuwaas oo ka tagay Degmada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan. Booliiska Soomaaliya ayaa tilmaamay in Gaadiidkaan Xamuulka ah Al-Shabaab ku qabatay bannaanka hore ee Tuulada EMED KOOREY ee Gobolka Bakool, isla markaana ay dab qabadsiiyeen sida hadalka loo…

“6-Bil kadib Cadalaadda ma helin Dhaqaatiir lagu dilay

Warbixin kasoo baxday Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Right Watch waxa ay uga hadashay 6-bilood kadib waxa laga qabtay dil wadareed loo geystay samafalaal caasimaad oo lagu dilay Gobolka Shabeelaha Dhexe. Dhacdadaan ayaa lagu dilay 6-Dhaqaatiir & qof farmashiye ka shaqeynayay, falkaan oo dhacay 27-kii May 2020, kadib markii 1:30 P.M. ay afduubatay koox wajiga daboobatay oo ka koobneed shan ruux sida ay wariyeen dadka deegaanka. Xarunta Caafimaadka ee Gololey oo ay…

RW Rooble oo Baydhabo kula kulmay Xildhibaannada,

Kulankaan ka dhacay Magaalada Baydhabo waxaa soo agaasimay Hogaamiyaha DG Koofur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen, waxaana ka qaybgalay Xildhibaannada labaad ee Dowlad Goboleedkaas, Ganacsato, Dhalinyaro & qaybaha kala duwan ee Bulshada. Rooble ayaa la wadaagay warbixin la xiriirta Xaaladda Dalka, Qorshaha Xukuumaddiisa, Doorashada 20/21, Doorka ay ku leeyihiin shaqsiyaadka uu la kulmay & tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaadayo. Ka qaybgalayaasha ayaa…

Mareykanka oo ku baaqay in wada-xaajood siyaasadeed laga

Dowladda Mareykanka ayaa muujisay in aan laga maarmin wada hadal siyaasadeed oo lagu dhameeyo khilaafka ka dashay Guddiga Doorashada 20/21 oo ay saluugeen musharixiinta Madaxeynaha. Kelly Craft oo ah Ergayga Washington u qaabilsan Qaramada Midoobay oo ka qaybgashay kulanka Golaha Ammaanka ee looga hadlay Arrimaha Soomaaliya, waxa ay tilmaamtay in aan laga maarmin wada-xaajood siyaasadeed si looga gudbo cabashada. Dhameystirka Howsha Geedi socodka Soomaaliya waxa ay rajo…

RW Rooble oo QM la wadaagay Doorashada 20/21, Amniga &

Raysul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa khudbad ka jeediyay Shir looga hadlayay Arrimaha Soomaaliya oo Golaha Ammaanka ku xog dhageysanayay Xaaladda Soomaaliya & diyaargarowga Doorashada 20/21. Kulanka oo ku qabsoomay aaladda fogaan aragga (Video Conference) waxaa mid mid loo dhageystay warbixinnada ay hayaan shaqsiyaadka ka qaybgalay oo ka kala socday Qaramada Midoobay, Xukuumadda Soomaaliya, Hoggaanka sare ee AMISOM, Hay’adaha la socda xaaladda dalka &…

Weerar lagu qaaday Masjid oo lagu dilay 5 qof, lagu

Dabley ayaa shan qof ku dilay, 18 kalena ku afduubtay weerar ay ku qaadeen Masjid ku yaalla gobolka Zamfara ee waqooyiga galbeed ee dalka Nigeria, sida ay booliska gobolka sheegeen. Illaa boqol dabley oo ah tuugada lo’da xadda oo ku socda mootooyin ayaa rasaas ku furay Masjidka oo ku yaalla xaafadda Dutsen Gari ee degmada Maru, xilli ay dadka dukanayey salaadda Jimcaha. “Burcadda waxay dileen shan qof oo cibaadeysanayey, waxayna afduubteen 18 kale, oo uu ku jiro imaamkii…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More