Browsing Category
Somalia
Somalia | Wararka Maanta | Somali Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.
Kenya oo xirtay Rakaab sameystay Shahaadada Covid-19 oo been
Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta International Airport (JKIA) waxaa lagu xiray 17-ruux oo rakaab ah, kadib markii lagu helay in ay sameysteen shahaadada Caafimaadka Covid-19 oo been abuur ah.
Dadkaan ayaa lagu ogaaday kadib markii warqadaha ay wataan la mariyay qaybta hubinta (Scan), balse Dhuuxa hoose ee warqaddda caddeyneysa in ay tahay iyo in ay been abuur tahay laga waayay shahaadooyinkii Caafimaad ay wateen.
Warbaahinta Kenya ayaa tabisay in Wasaaradda Caafimaadka…
DG Puntland & Galmudug oo iska kaashanaya Amniga & Sarifka.
Mas’uuliyiinta Gobolka Mudug ee DG Puntland & Galmudug oo ay wehliyaan maamulka Magaalada Gaalkacyo oo Koofur & Waqooyi ugu kala qaybsan labada Dowlad Goboleed ayaa fadhi ka yeeshay arrimo kasoo kordhay Gobolkaas.
Waxyaabaha miiska saaran oo ay is tusiyeen mas’uuliyiinta Puntland & Galmudug waxaa kamid ah: Sugidda Amniga oo muhiim u ah xasiloonida Gobolka, Sarifka lacagta oo sare kac qiimaha Maciishadda Sababay & la dagaalanka ka gacansiga Walxaha maanka…
Musharixiiinta Hogaamiyaha 20/21 oo xoogga saaraya Dowlad
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ahna Guddoomiyaha Madasha ay ku mideysan yihiin Musharixiinta Hogaamiyaha 20/21 ayaa Magaalada Baydhabo ka wada kulamo looga xaajoonayo Doorashada Dalka.
Kulamada intooda badan waxa uu la qaatay mas’uuliyiinta sare ee DG Koofur Galbeed, qaybaha kala duwan ee Bulshada & shaqsiiyaadka uu u arko in ay kaalin muuqata ku leeyihiin Doorashada Soomaaliya 20/21.
Wafdiga Musharixiinta Hogaamiyaha ayaa ujeedkooda ah sidii ay ula…
Ololaha madaxtinimo ee Shariif Sheekh Axmed oo ka billowday
Dowlad-goboleedka KGS oo Baydhaba kusoo dhoweynaya Musharax madaxweyne Sh SHariif HSeekh Axmed madaxweynihii 7aad ee Soomaaliya
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ololihiisa doorashooyinka madaxweyne ee 2021 waxa uu kabillowday Baydhaba oo ah caasimadda kmg ah ee DG Koofurgalbeed, musharax Shriif Sheekh Axmed oo ahaa madaxweynihii 7aad ee Jamhuuriyadda 2009-2012 iyo wafdi uu horkacayo oo ay kamid yihiin xildhibaano katirsan xisbiga Himilo Qaran ayaa…
Xisbiyadda mucaaradka oo ku hanjabay in ay qaban doonaan
Musharraxiinta mucaaradka ah ee xilka madaxtinimo ee Soomaaliya ayaa ku baaqay in la kala diro dhammaan guddiyada doorashooyinka dalka xilli ay soo gabagabeeyeen kulan maalmihii lasoo dhaafay uga socday magaalada Muqdisho.
Waxa ay sheegeen in guddigan lagu soo daray xubno ka tirsan shaqaalaha dowladda gaar ahaan nabadsugidda iyo sirddoonka, shaqaalaha maamulka, shaqaalaha madaxtooyada iyo shakhsiyaad taageero u ah madaxweynaha.
Musharraxiinta mucaaradka waxay ku hanjabeen in ay…
Muxuu yahay walaaca Ismaaciil Cumar Geelle ka qabo codaynta
Hogaamiyaha Jamhuuriyada dhacda geeska Afrika ee Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan xoogga hubaysan ee Al Shabaab.
Geelle oo wareysi siinayay wargayska The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa in ay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa in ay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u…
Midowga Musharaxiinta oo dalbaday in lakala diro guddiyada
Midowga Musharaxiinta Madaxweynayaasha Soomaaliya ayaa goor dhow war murtiyeed ka kooban 18 qodob, kaddib shir u socday lix maalmood oo ay ku yeesheen Muqdisho.
War murtiyeedka ka soo baxay Musharaxiinta ayaa lagu dalbaday in lakala diro Guddiyada doorashada, maadaama ay ku jiraan Saraakiil ciidan sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Musharixiinta.
Sidoo kale war murtiyeedka Musharaxiinta ayaa lagu baaqay in doorashada xubnaha Xildhibaannada Gobolada Waqooyi lagu qabto…
‘Run ma ahan’:Muslim Pro oo Iska diiday iney ka iibiyaan xogta isticmaalayaasha millatariga Mareykanka
Barnaamij caan ku ah salaada Muslim pro ee islaamka iyo quraanka ayaa meesha ka saaray warbixin sheegaysa inay iibiiyaan xogta gaarka ah ee isticmaaleyaashooda oo ay ka ibiyaan dalaaliin ka dibna ay ku wareejiyaan militariga Mareykanka.
Kulamo xal raadin ah oo ka socda magaaladd Beledweyne! –
Hogaamiye kuxigeenka maamulka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kulamo kala duwan ka wada Magaalada Beledweyne, kuwaas oo looga hadlayo sidii Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu ku tegi lahaa Beledweyne.
Maleeshiyaad uu hoggaaminayo Sarkaal lagu Magacaabo Cali xuud oo kamid ahaa musharixiintii isaga haray tartanka doorashooyinka Hir-Shabeelle oo ku sugan degaanka Ceel-Gaal ayaa waxaa ay kasoo horjeedaan in Hogaamiyaha Hir-Shabeelle uu tago magaalada Beleweyne.
Hogaamiye…
Maxay tahay sababta Imaaraadku u joojiyay dal ku galka
Imaaraadku wuxuu si ku-meel-gaadr ah u joojiyey fiisooyin cusub oo uu siinayey dadka reer Afgaanistaan, Baakistaaniyiinta, Soomaaliya, Turkey iyo muwaadiniinta dalal kale oo badan sababo xagga amniga ah
Isutagga Imaaraatka Carabta (UAE) ayaa joojiyay bixinta fiisooyinka cusub ee muwaadiniinta 13 dal oo u badan Muslimiin, oo ay ku jiraan Iran, Turkey, Syria iyo Somalia, sida ku cad dukumiinti ay soo saartay goob ganacsi oo ay dowladdu leedahay.
Dukumiintiga oo loo diray…