Browsing Category

Latest

Latest | Wararka Maanta | Somali. Latest Breaking News and the expert analysts you can trust.

William Ruto: Xasan Sheikh wuxuu leeyahay aragti aad u cad wayna ka go’an tahay la dagaalanka Al-Shabaab

Sabti, September, 24, 2022 (AX) - Hogaamiyaha Kenya ayaa sheegay in dhigiisa Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu muujiyay sida ay uga go’an tahay la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.Wareysi uu siiyay Telefishinka France 24, ayuu Ruto ku amaanay hogaamiyaha cusub ee Soomaaliya doorka uu ka qaatay dadaalada lagu xakameynayo qatarta kooxda Alshabaab ee ka dagaalanta Soomaaliya."Waxaan u maleynayaa doorashadii madaxweyne Xasan, oo aan la kulmay laba jeer hadda, wuxuu leeyahay aragti aad u cad oo ku saabsan halka aan u baahanahay…

Dowladda Suudaan oo sheegtay inay Soomaaliya ka taageerayso soo celinta amnigeeda iyo xasiloonideeda

Sabti, September, 24, 2022 (AX) - Hogaamiyaha golaha ku-meel-gaarka ah ee dalka Sudan, Jeneral Abdel Fattah Al-Burhan, ayaa sheegay in Suudaan ay garab taagan tahay Soomaaliya, si looga gudbo xaaladaha ay ku jirto.Intii uu socday kulan ay ku yeesheen xarunta Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ee New York, ayaa Hogaamiyaha Soomaaliya, Xasan Sheekh iyo Jeneraal Al-Burhaan waxay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.Jeneraal Al-Burhaan ayaa carrabka ku adkeeyay in Suudaan ay…

Hogaamiyaha Puntland oo shaqadii ka eryay qaar kamid ah wasiiraddii ugu saameynta badnaa maamulkiisa

Jimco, September, 23, 2022 (AX) - Hogaamiyaha maamulka Puntland, Siciid  Deni ayaa caawa xilkii ka qaaday wasiirkii maaliyadda Puntland, Xasan Shire Abgaal, oo lagu tilmaamo inuu ahaa wasiirkii ugu saamaynta badnaa Puntland.Xilka ka qaadida Xasan Shire Abgaal ayaa qeyb ka ahayd isku shaandhayn iyo magacaabis uu madaxweynaha Puntland ku sameeyay golihiisa wasiiradda. Waxaa xilka wasiirka maaliyadda loo magacaabay Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo ahaa wasiirkii arrimaha gudaha Puntland.Cabdi Faarax Siciid Juxa oo horey usoo…

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo Hay’addaha Caalamiga ka dalbatay in gurmad deg deg ah laga sameeyo deegaanadii laga saaray…

Jimco, September, 23, 2022 (AX) - Waxaa Maanta magaalada Nairobi ee dalka Kenya uu shir ugu soo gabagaboobay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, hay'addaha deeq bixiyayaasha taageera Adeegyada Caafimaad dalka Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adda Caafimaadka Aduunka.Kulankan ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ku kala war qaadanayeen Waaaaradda Caafimaad Soomaaliya iyo xubno ka socday hay'adda Caafimaadka Aduunka oo muddo laba todobaad ah Soomaaliya u soo joogay kormeer la xariira guulaha laga gaaray…

Maamulka Puntland oo ka horyimid go’aan kasoo baxay xukumadda Soomaaliya

Jimco, September, 23, 2022 (AX) - Maamul goboleedka Puntland ayaa si cad uga soo horjeestay go'aan kasoo baxay Wasaaradda Kaluumeyaiga xukumadda Fedaraalka Soomaaliya, kaasoo ahaa in cid aan aheyn xukumadda Soomaaliya aysan bixin karin shatiga Kaluumeysiga. Wasaaradda Kaluumeysiga dowlad goboleedka Puntland ayaa warsaxafadeed ay soo saartay waxay ku sheegtay in Dastuurka dalka qodobkiisa 44-aad uu cadeynayo in qeybsiga kheyraadka dalka ay ka wada xaajoon karaan xukumadda Soomaaliya iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyada oo…

Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo xoogan oo ka dhacay deegaano hoostaga magaalada Dhuusamareeb

Jimco, September, 23, 2022 (AX) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal qaraar oo gabal dhacii shalay ku dhexmaray ciidamada xukumadda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab deegaanada Sinadhaqo iyo Labidule oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.Weerarka ka dhacay Sinadhaqo iyo Labidulle ayaa yimid kadib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen fariisimo deegaanadaasi ay ka sameysteen ciidamada xukumadda ee dhawaan Al-shabaab kala wareegay…

Golaha wasiiradda Jubbaland oo ku dhawaaqay Guddiyada abaabulka dagaalada ka dhanka ah Al-shabaab

Khamiis, September, 22, 2022 (AX) - Shirka todobaadlaha ee golaha wasiiradda maamul goboleedka Jubaland oo uu Maanta shir gudoomiyay madaxweynaha xukumadda goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa diirada lagu saarayay arimaha amniga iyo la dagaalanka Al-shabaab.Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa ugu horeyn golahiisa wasiiradda la wadaagay waxyaabahii kasoo baxay shirkii madasha wadatashiga qaran ee dhawaan Magaalada Muqdisho kusoo gaba gaboobay iyo qodobadii kasoo baxay oo uu ka mid ahaa dardar galinta…

Dowladda Soomaaliya oo hormuud u noqonayso kacdoon bulsho oo Alshabaab dalka looga xoraynayo

Khamiis, September, 22, 2022 (AX) - Golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa maanta isku raacay in la xoojiyo kaalinta siyaasadda amniga qaranka ee ku aadan hagista howlgallada dalka looga xoreynayo kooxda Alshabaab.Golaha wasiiradda oo raysal wasaaruhu shir guddoominayay ayaa go’aamiyay in la dhiso guddiga abaabulka iyo isku dubarridka howlaha dagaalka Alshabaab lagu dabargoynayo. Guddigaan ayaa ka kooban Ra’iisul wasaaraha, ra’iisul wasaare ku xigeenka, iyo qeybo kaloo katirsan golaha wasiiradda iyo taliyayaasha…

Ciidamada xukumadda iyo kuwa deegaanka oo kaabiga ku haaya degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan

Khamiis, September, 22, 2022 (AX) - Wararka nagasoo gaaraya degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dib u xoreynta deegaanka iyo ciidanka xukumadda Soomaaliya ay ka kala ruqaan sadeen degmooyinka Maxaas iyo Buulaburte, islamarkaana ay ku wahajan yihiin degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan.Dad goobjoogayaal ah oo ku dhaqan deegaanada u dhaxeya Moqokori iyo Buulaburte oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamo aad u fara badan ay goordhaw u dhaafeen dhinaca degmada…

Dagaal beeleed ay dad ku dhinteen oo ka dhacay tuulo ka mid ah degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida

Arbaco, September, 21, 2022 (AX) - Wararka ka imaanaya dowlad degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in maanta uu dagaal beeleed uu ka dhacay goobta lagu magacaabo Goda oo ka tirsan degmada Gursum ee dowlad degaanka Soomaalida.Ugu yaraan shan qof ayaa lasoo sheegayaa inay ku dhinteen dagaal beeleedkan, iyadoo dhanka dowladdana lasoo sheegayo in ciidamo kala dhex gala beelahan dagaalamay ay halkaa u dirtay.Dagaal beeleedkan ayaa siday wararku sheegayaan waxa uu daba socdaa dagaal kale oo isla beelahan dagaalamay bil ka hor ku…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More