Browsing Category
Sports
Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.
Liverpool, Real Madrid Mise Barcelona? Heshiiska Kylian
Heshiiska da’yarka weerarka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe ayaa u muuqda mid lagu kala guuleystay xilli ay doonayeen kooxo laga xusi karo Liverpool, Barcelona iyo Real Marid.Sida ay sheegayaan xogo cusubi, kooxda booska ugu wanaagsan u joogta saxeexa Kylian ayaa ah Real Madrid, madaxweynaha kooxdaas ee Florentino Perez ayaa bar-tilmaameedkiisa koowaad ka dhigtay Mbappe isaga oo dejiyay qorshihii uu kooxaha kale kaga adkaan lahaa.Sida lagu sheegay wargeyska Spain kasoo baxa ee AS, Mbappe ayaa doonaya inuu ku biiro Real…
Erling Haaland Oo Magacaabay Kooxda Ugu Wanaagsan Dunida –
Weeraryahanka da’da yar ee Erling Haaland ayaa magacaabay kooxda ugu wanaagsan waqtigan xilli uu duubayay filim documentry ah, kaas oo uu kusoo bandhigay waxyaabo badan.Haaland oo wacdaro ka dhigay tartanka Champions League ee xili ciyaareedkii hore oo uu labada kooxood ee RB Salzburg iyo Borussia Dortmund u kala ciyaaray, waxa kale oo uu kooxda reer Germany ka caawiyey inay diyaarsadaan booskooda Champions League ee xili ciyaareedkan iyadoo waqtigii uu ku biiray bishii January na ahayd koox liidata oo meel hoose ku…
Fadlan Ha I Tuurin Ole!! Harry Maguire Oo Arrin Layaable Ka
Harry Maguire ayuu saaran yahay culays weyn, waxaanu khatar ugu jiraa inuu waayo booskiisa Manchester United kaddib waqti adag oo uu kusoo dhex jiray oo midkii ugu dambeeyey ahaa kaadhkii casaa ee sida fool xumada ah uu ku qaatay kulankii England guul-darradu kasoo gaadhay Arbacadii ee Denmark ku garaacday 1-0.Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa la sheegayaa inuu ka fikirayo inuu kaydka u diro difaaca ugu qaalisan dunida amaba uu siiyo fasax si uu uga soo kabto xaaladda adag ee uu kusoo jiray saddexdii bilood ee ugu dambeeyey…
Muxuu Jurgen Klopp Ka Aaminsan Yahay Tababare Carlo
Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa shaaciyey in fikirkiisa ku aaddan tababare Carlo Ancelotti aanu marnaba sir ahayn, waxaanu hoosta ka xariiqay inuu u hayo ixtiraam badan.Ancelotti ayay kooxdiisa Everton hoggaanka u haysaa horyaalka Premier League iyadoo wada guuleysatay dhamaan afartii ciyaarood ee ay dheeleen, halka Liverpool ay siibatay kulankii ugu dambeeyey oo ay Aston Villa ku garaacday 7-2.Sabtida berri ayay Everton iyo Liverpool ku ballansan yihiin garoonka Goodison Park, waxaana mar kale foodda is daraya…
“Maanta Aad Uguma Hamiyo Gool Dhalinta, Laakiin Waxaan Isku
Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa sheegay inuu door bidiyo inuu kooxdiisa u caawiyo sida ugu fiican laakiin aanu si aad ah ugu hammiyin inuu kaliya goolal u dhaliyo.Lionel Messi ahxiddiga ugu goolasha badan taariikhda Barcelona, waddankiisa Argentina toddobaadkan u dhaliyey goolkiisii 71aad 139 ciyaarood oo uu u saftay ayaa waraysi uu siiyey majaladda La Garmanta Poderosa waxa uu ku caddeeyey in marka uu garoonka ku jiro uu kaliya ka shaqeeyo sida ugu fiican ee ay kooxdu guul u gaadhi karto, balse aanu isagu ahayn…
Isku Koox Ayay Ahaayeen, Haddana Waxa Uu Doonayay Inuu
Roy Keane iyo Jason McAteer waxay u wada ciyaareen xulka qaranka Republic of Ireland, waxaanay ahaayeen wadaageyaal qolka lebbiska oo ah oo waddankooda guul u wada raadinayey, laakiin haddana Jason McAteer ayaa qirtay inuu doonayay inuu dhaawac culus u geysto saaxiibkii.Jason McAteer oo ay da’diisu tahay 49 jir, waxa waqtigiisii uu ugu caansanaa uu kusoo qaatay Liverpool, waxaana waqtiyadii uu Anfield joogay ay dagaal iskala hor iman jireen Roy Keane oo ahaa kabtanka Manchester United, taas oo keentay inuu illoobo inay isku…
Mikel Arteta Oo Qirtay In Uu Ka Xun Yahay Go’aankii Uu Mesut
Mikel Arteta ayaa qirtay in aanu ku faraxsanayn go’aankii uu Mesut Ozil kaga reebay liiska ciyaartoyda Arsenal ee ka qayb-gelaya tartanka Europa League ee xili ciyaareedkan, gaar ahaan marxaladda hormooyinka, laakiin waxa uu ku adkaystay inay qasab ku ahayd inuu qaar ka mid ah ciyaartoydiisa ka tago maadaama aanu dhamaantood wada qaadan karayn.Kubbad-sameeyahan reer Germany ee asalkiisu Turkiga yahay ayaan Arsenal u ciyaarin daqiiqad kali ahna tan iyo intii uu xili ciyaareedkii hore ee 2019-20 dib u bilaabmay markii loo…
WAA WAREEY!! Real Madrid Oo Dalab Layaable Ka Gudbisay
Lionel Messi waxa uu halyeyga Barcelona ahaa tan iyo bixitaankii Ronaldinho oo ku wareejiyey lambarkii uu xidhnaa sannadkii 2008, laakiin waxa layaab ah in kooxda ay colaadda weyni ka dhaxayso ee Real Madrid ay isku dayday inay lasoo saxeexato xiddigan oo ay hubaal tahay in Barca aanay gaadheen guulaha faraha badan ee intii uu isagu u ciyaarayay ay gaadhay.Macquul ulama muuqanayso qof kasta oo maqla in Real Madrid ay dalab ka gudbisay Lionel Messi, laakiin sannadkii 2013kii ayay Real Madrid isku dayday inay lasoo saxeexato…
Maxay Ahayd Farriintii Dheerayd Ee Qoraalka Ahayd Ee Jurgen
Tababare, Jurgen Klopp ayaa daboolka ka qaaday farriin qoraal ahayd oo uu ciyaartoydiisa u diray kaddib kulankii guul-darrada weyn ee fadeexadda ahi kasoo gaadhay ee ay Aston Villa ku karbaashtay 7-2.Klopp oo ay kooxdiisu isku diyaarinayso inay kasoo kabato guul-darradaas ayaa waxay Sabtida la ciyaarayaan Everton oo hoggaanka horyaalka haysa, waxaanay jamaahiirtu sugayaan sida ay uga falcelin doonaan khasaaraha ugu dambeeyey.Saddexlay uu Ollie Watikins ka dhaliiyey, Jack Grealish oo laba ku daray iyo John McGinn iyo Ross…
Khabiirkii Arsenal U Keenay Cesc Fabregas, Iskuna Dayey Inuu
Khabiirkii Arsenal u keeni jiray ciyaartoyda da’da yar ee Francis Cagigao oo bishii September ka tegay Gunners kaddib muddo 24 sannadood ah oo uu joogay ayaa sheegay in Thomas Partey oo ka mid ahaa ciyaartoydii uu iyaga oo yaryar soo helay uu Arsenal ka caawin doono inay horyaalka si dhab ah ugu tartanto.Francis Cagigao ayay ishiisu qabatay Thomas Pargey lix sannadood ka hor isaga oo waqtigaas ku sugnaa kooxda ALmeria oo amaah kaga qaadatay Atletico Madrid, waxaanu ku fikiray sidii uu ula saxeexan lahaa ee uu u geyn lahaa…