Browsing Category

Sports

Wararka Ciyaaraha | Sport. Firstly, your best sports source, From, the expert view you can trust.

Jurgen Klopp Oo Jawaab Cajiib Leh Ka Bixiyay Xanaaqii Uu

Mohamed Salah oo careysan ayaa iska indhotiray tababare Jurgen Klopp markii la soo bedelay bilowgii qeybta labaad ee kulankii Premier League ee ay Liverpool barbaraha la gashay Brighton.Salah ayaa ku soo bilowday kulankaan isagoo Sadio Mane kursiga keydka la dhigay madaama Jurgen Klopp uu isku shaandheynayo kooxdiisa sababo la xiriira jadwalka ciriiriga ah ee xilli ciyaareedkan.Salah ma uusan dheelin kulankii ugu danbeeyay ee Premier League ee ay ka badiyeen Leicester City madaama uu qabay Korona Fayras, waxaana la bedelay…

Maxaa Kala Heysta Liverpool & VAR? Labo Gool Oo Laga Diiday,

Muuqaal caawiyaha garsooraha VAR iyo kooxda Liverpool ma ahan kuwa isku fiican xilli ciyaareedkan iyadoo dhowr jeer oo hore ay Reds dhibco ku weyso go’aamo waa weyn oo ay gaareen garsoorayaasha maamula VAR ee Premier League.Kulankii maanta ee Amex Stadium oo Liverpool laga beeniyay seddexda dhibcood waqtigii dhimashada ciyaarta, waxaa diirada ay saarneyd VAR oo gaartay go’aamo saameyn weyn ku yeeshay natiijada ciyaarta.Kooxda martida loo ahaa ayaa waxaa soo martay fursad dahabi ah markii Neco Williams uu rigoore ku galay…

Shaxda Rasmiga Ah Ee Kulanka Manchester City vs Burnely –

Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium kusoo dhoweynaysa kooxda Burnley iyadoo uu tababare Pep Guardiola u baahan yahay inuu helo guul ay kooxdiisu sare ugaga soo kacdo kaalinta 14aad ee ay ku jiraan.Tababare Pep Guardiola ayaa shax xooggan kusoo galay ciyaartan, waxaanu keenay Kevin de Bruyne oo uu nasiyey ciyaartii Champions League ee Olympiacos waxaana sidoo kale kusoo laabtay safka kooxda difaaca midig ee Kyle Walker.Labada difaac ee dhexe ayay kusoo bilowdeen ciyaartii labaad oo xidhiidh John Stones oo uu…

Jamaahiirta Real Madrid Oo Kala Doortay Erling Haaland &

Jamaahiirta Real Madrid ayaa kala doortay labada weeraryahan ee Erling Haaland iyo Kylian Mbappe oo lala xidhiidhinayo kooxda reer Spain inay lasoo saxeexan doonto.Real Madrid oo ka dhibaataysan afka hore ee dhalinta goolasha ayaa la rumaysan yahay in xagaaga foodda inagu soo haya ay samayn doonto saxeex weyn oo saldhig u noqon doono dhismaha boqortooyo cusub oo lagu binayn doono xiddigaha Kylian Mbappe iyo Erling Haaland, kuwaas oo lasoo raacin doono kubbad-sameeyeyaal ka caawiye inay goolal badan dhalin karaan.Kylian…

Difaacii Manchester United Ay Sannadkii Hore Soo Qaadatay Oo

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa la saxeexatay difaacii da’da yarta Manchester United ee Reuell Walters kaas oo qalinka ku duugay heshiis rasmi ah oo uu Gunners kaga mid noqonayo.15 jirkan ayaa Manchester United kusoo biiray sannadkii hore, balse waxa uu hadda usii dhaafay Arsenal oo nasiib u yeelatay inay gacanta ku dhigto.Mikel Arteta oo fursadaha uu siinayo da’yarta kooxdiisu ay dhiirigelin iyo soo jiidasho u tahay ciyaartoyda jiilkooda ah ee mustaqbalka wanaagsan doonaya ayaa waxay Manchester United si lama filaan ah…

How to watch Southampton vs Man Utd on TV

Manchester United and Southampton started the 2021/22 season in contrasting form last weekend as they prepare to meet at St Mary's on Sunday afternoon.United made a big statement with a 5-1 crush of Leeds, while the Saints collapsed in the second half against Everton and lost 3-1, despite leading at half time.Both clubs will be desperate to score on the board here - United to underline their early hopes of taking a serious title challenge this season, and Southampton in an attempt to throw away a tag of relegation favorites…

Dhaxalka Hantidii Diego Maradona Oo Mushkilad Ka Taagan

Matias Morla oo ah qareenka halyeygii reer Argentina ee Diego Maradona ee usbuucii hore geeriyooday ayaa waxa uu bilaabay nidaam lagu qaybinayo hantidii laga dhaxlay laacibka geeriyooday, taas oo la sheegay inay noqon doonto mid adag.Maradona oo wadne istaag u geeriyooday ayaa waxa la aasay shalay kaddib laba maalmood oo baroor-diiq iyo murugo uu ku jiray waddanka Argentina.Hadda ayay bilaabantay hawl kale oo adag oo ah in carruurtii uu ka tegay iyo ehelkiisii loo qaybiyo dhaxalka hantidii uu ka dhintay.Hantida moodka iyo…

Miyey Manchester City Ciyaartooyo Cusub Lasoo Saxeexanaysaa

Tababaraha Manchester City, Pep Guardiola ayaa meesha ka saaray in kooxdiisu ay wax saxeexyo ah samaynayso bisha Janaury inkasta oo ay dhibaato kusoo dhex jirtay siddeeddii kulan ee illaa hadda ay ciyaartay.City ayaa ku jirta kaalinta 14aad ee miiska kala sarraynta horyaalka Premier League, waxaanay guuleysatay saddex kulan oo kaliya siddeed ciyaarood oo ay dheeshay, iyadoo Tottenham ay markii ugu dambaysay si xun u garaacday, taas oo ay uga horreysay Liecester City oo ku tumatay, halka ay barbarro la galeen Liverpool, West…

Barca Oo Ugu Dambayn Ka Badbaaday Inay Kacdo, Xiddigaheeda

Barcelona ayaa ugu dambayn ka badbaaday inay ku dhawaaqo inay noqotay koox kacday oo musalaftay, kaddib markii ay il naxariisle ka heshay xiddigaheeda oo muddo ay isku mari la’aayeen inay ogolaadaan in €122 milyan oo Gini oo mushaharkooda ah ay ka tanaasulaan sannadkan.Kooxda reer Spain ayaa ku jirtay xaalad dhaqaale xumo oo aad u ba’an, waxaanay ku qasbanayd inay si aad ah hoos ugu dhigto mushaharka ciyaartoydeeda iyo shaqaalaha intaba, si ay u xaqiijiso in lacag ka badan €170 milyan oo Gini oo aanay jirin meel ay ka bixiso…

Freddie Ljungberg Oo Daboolka Ka Qaaday Sababtii Uu Iskaga

Freddie Ljungberg ayaa sharraxaad ka bixiyey sababtii uu uga baxay shaqaalaha tababarka ee Arsenal xagaagii tegay, markaas oo isagoo gacanyare u ah Mikel Arteta uu go’aansaday inuu ka dhaqaaqo Emirates Stadium.43 jirkan ayaa kusoo laabtay Arsenal xili ciyaareedkii hore isagoo si ku-meelgaadh ah tababare ugu noqday markii shaqada laga caydhiyey Unai Emery oo November 2019 shandaddiisa qaatay.Lix ciyaarood oo uu Freddie Ljungberg tababare u ahaa Arsenal ayay guuleysteen hal kulan oo kaliya, waxaanay barbarro galeen saddex…

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More