Wareegga semi-finalka tartanka Euro ayaa caawa kulamadiisii koowaad la ciyaarayaa, waxaana soo bixi doona laba waddan, laba kalena way hadhi doonaan.Spain iyo Switzerland ayaa noqonaya kuwa ugu horreeya ee ku kala baxa marxaladdan ee midkood u gudbo afar dhamaadka, halka uu kan kalena dalkiisa dib ugu noqonayo.Labadan dal ayaa waxay marxaladdii hore kasoo kala adkaadeen France iyo Croatia.Tababare Luis Enrique ayaa ciyaartan kusoo bilaabay Alvaro Morata, Ferran Torres iyo Sarabai oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya,…