Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa si degdeg ah tababarka ula bilaabay kooxdiisa cusub ee PSG, xilli la filayey in uu nasiimo galo, laakiin waxa uu seegay ciyaartii u horreysay ee horyaalka ee kooxdiisa ee toddobaadkan, waxaanay sababtu tahay in aanu wali taam buuxa u noqon jidh ahaan maadaama uu kasoo laabtay fasax.Tababare Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyey in Messi uu qaadan doono waqti uu jidhkiisa ku diyaariyo oo uu kooxda koowaad la tababarto, laakiin ma sheegin waqtiga uu kulankiisa ugu horreeya safan…