Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka hadashay wararka sheegaya in uu hunguri kaga jiro xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo oo la wariyey in ay doonayso in ay dib ula soo saxeexato saddex sannadood kaddib markii ay Juventus kaga iibisay 105 milyan oo Euro.Xiddiga Juventus ayaa la sheegay in uu doonayo inuu iskaga tago horyaalka waddanka Talyaaniga, waxaana lala xidhiidhiyey kooxo ay ku jiraan Real Madrid, Paris Saint-Germain, iyo Manchester United, laakiin tababare Carlo Ancelotti ayaa ka jawaabay warkan, waxaanu…