Fuuleha buuraha ee caanka ah Nirmal Purja ayaa ku dhintay baraf-burbur xooggan oo ka dhacay mid ka mid ah buuraha adduunka ugu dhaadheer, sida ay xaqiijisay shirkaddiisa fuulista buuraha.
Fuulaha 43 jirka ah ee u dhashay Britain iyo Nepal ayaa ka mid ahaa 10 qof oo la sheegay in la la’yahay kaddib markii baraf-burburku ka dhacay Pakistan.
Purja ayaa hoggaaminayey safar lagu fuulayo Broad Peak, oo ah buurta 12aad ee ugu dheer adduunka, kuna taalla waqooyiga dalka, markii baraf-burburku dhacay Khamiistii.
Kaddib markii hawlgallada baadigoobka dib loo bilaabay saaka, shirkaddiisa Elite Exped ayaa xaqiijisay in la dilay.
“Waxa kale oo naloo xaqiijiyey in xubno kale oo safarka ka tirsanaa ay nasiib-darro ku dhinteen.”
Kooxaha baadigoobka ayaa shalay helay meydadka saddex fuule buuraha ah.
Dowladda gobolka ayaa bayaan ay xalay soo saartay ku sheegtay in dadka la helay ay ka mid ahaayeen haweeney Maraykan ah, haweeney Cumaaniyad ah iyo nin Nepali ah.
Baraf-burbur xooggan
Fuuleyaashu waxay Khamiistii kor ugu sii socdeen Broad Peak, iyagoo joogay joog dhan qiyaastii 6,600 oo mitir, markii baraf-burburku dhacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka.
Kooxda safarka oo ka koobnayd 10 xubnood waxaa ku jiray Purja, shan fuule oo Nepali ah, iyo min hal fuule oo ka kala socday Pakistan, Cumaan, Maraykanka iyo Shiinaha.
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in xiriirkii ugu dambeeyey ee kooxda lala yeeshay uu dhacay subaxnimadii Khamiista, ka hor inta aan fiidkii dambe la helin wararka ku saabsan baraf-burburka weyn.
“Xogta qalabkooda dabagalka waxay muujinaysaa in boqollaal mitir hoos loogu tuuray dhinaca buurta,” ayay Naila Kiani oo ka tirsan Naadiga Alpine-ka Pakistan u sheegtay wargeyska Le Monde.
Buuraha waaweyn
Purja ayaa toddobaadkan bartiisa X ku qoray inuu ku dhowaa isku day uu ku noqonayo qofkii ugu horreeyey ee dhammaan 14-ka “buurood ee waaweyn” laba jeer fuula isaga oo aan adeegsan ogsijiin dheeraad ah.
“Broad Peak, wax kale kuuma weydiisanayo aan ka ahayn inaan si nabad ah kuugu fuulo oo aan dib kaaga soo dego,” ayuu qoray.
Ka hor inta uusan noqon fuule buuro oo waqti-buuxa ah iyo hoggaamiye safarro, Purja wuxuu ka tirsanaa Guutada Gurkhas ee Britain iyo Cutubka Doonyaha Gaarka ah ee Royal Marines. Wuxuu markii dambe dhigay dhowr rikoodh oo dunida fuulista buuraha ah.
Intii u dhexeysay Abriil iyo Oktoobar 2019, wuxuu lix bilood iyo lix maalmood gudahood ku fuulay dhammaan 14-ka “buurood ee siddeed-kunka ah” — oo ah buuro ka sarreeya 8,000 oo mitir — taas oo xilligaas ahayd rikoodh.
Dal-mareenka British-ka ah Bear Grylls ayaa farriin uu Instagram-ka soo dhigay ugu tacsiyeeyey Purja, isagoo qoray: “Waa war qalbi-jab leh fuuleyaal badan oo buuraha ah oo dunida ku nool, kuwaas oo xiriir la lahaa ninkan cajiibka ah ee gaarka ahaa.
“Marnaba kuma illoobi doonno Nims iyo ruuxaaga aan la joojin karin.”
Broad Peak waxay ku taallaa silsiladda buuraha Karakoram ee waqooyiga Pakistan, waana buurta 12aad ee ugu dheer adduunka. Fuulisteeda waxaa loo arkaa mid ka mid ah kuwa ugu adag uguna farsamada badan marka la barbar dhigo fuulista buuraha ka sarreeya 8,000 oo mitir.
Koox u dhalatay Austria ayaa sannadkii 1957 samaysay fuulitaankii ugu horreeyey ee lagu guulaysto.
Warbixin dheeraad ah PA







