Xulka Turkey Oo Guul Ku Bilowday Euro 2024.

Xulka qaranka Turkey ayaa guul ku bilowday tartanka Euro 2024 iyaa oo ka badiyay xulka Georgia.

Kulanka ayaa ahaa mid uu xulka Turkye ku awood badnaa kana fiicnaa dhigiisa xulka Georgia.

Xulka Turkey ayaa daqiiqadii 25-aad dhaliyay goolka 1-aad waxana u dhaliyay Mert Muldur kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Turkey ayaa raaciyay gool kale laakiin goolkaas ayaa laag diiday sabab la xidhiidha Offside.

Xulka Georgia ayaa daqiiqadii 32-aad dhaliyay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Georges Mikautadze kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Qaybtii dambe ayuu xulka Turkey sii waday dadaalka ay ku doonayaan goolal ay ciyaartaka dhaliya.

Daqiiqadii 65-aad ayuu xulka Turkey helay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Arda Guler kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

xulka Turkey ayaa daqiiqadii 90+7-aad dhaliyay goolka 3-aad awaxana u dhaliyay Muhammed Kerem kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo xulka Turkey guul muhiim ah ka gaadhay tartanka Euro 2024.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More