Xulka Spain Oo War Xun Heshay Ka Hor Kulankooda Furitaanka Euro 2024.

Xulka qaaranka Spain ayaa lagu soo waramayaa in ay waayi doonto daafaca dhexe ee  Aymeric Laporte kulankooda furitaanka Euro 2024 ee ay la ciyaarayaan Croatia fiidnimadii sabtida sababo la xiriira dhibaato muruqa ah.

30-sano jirkaan ayaa wali si rasmi ah looga saarin tartanka, balse waxaa la sheegay in Khamiistii uu awoodi waayay inuu tababar qaato, kadib markii uu xanuun dhanka muruqa ah kasoo gaaray.

Sida laga soo xigtay EFE, Laporte waxa uu marayaa soo kabasasho iyada oo la qiimayn doono xaaladiisa 24 saac ee soo socda.

Daafaca dhexe ee Al-Nassr ayaan la fileyn inuu diyaar u noqdo kulanka furitaanka Group B ee Spain, iyadoo La Roja uu dhabar jab ku yahay ka hor kulankooda furitaanka tartanka.

Laporte ayaa 29 jeer u saftay xulka Spain, waxaana daafaca loo arkaa inuu yahay xiddig laf dhabar u ah xulka qaranka Spain.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More