XOG: Tobbanka Kooxood Ee Lacagta Ugu Badan Ka Sameeyay Iibka Tobbankii

Dabcan inta uu suuqa kala iibsigu socdo waxa aad maqli doontaa jamaahiirta qaar oo aad ugu faanaya nooca ganacsi ee ay kooxdoodu ka qabsatay suuqa kala iibsiga iyo inay iyagu suuqan ku guuleysteen.

Marka laga yimaado in lagu kala wanaagsan yahay qiimaha ciyaartoyda lagula soo saxeexdo, sidoo kale kooxaha ayaa ku kala xariifsan qiimaha ay ku helaan iibka ciyaartoydooda.

Haddaba, shabakadda Transfermarkt oo ah mida xog ogaalka u ah arrimaha suuqa ayaa haatan soo saartay tobbanka kooxood ee tobbankii sano ee ugu dambeeyay lacagta ugu badan ka sameeyay iibka xiddigaha ay diraan.

Kooxda hoggaanka u haysa ayaa ah kooxda ree Portugal ee SL Benfica oo tobbankaas sano ka samaysay 1.05 Bilyan euro kaddib hibooyin cajiib ah oo ay iibisay waxaana ku xigta Atletico Madrid oo 1.02 Bilyan euro soo samaysay tobbankaas sano.

Booska saddexaad ayay ku jirtaa Chelsea oo ah kooxda Premier League ugu sarreysa liiskan taas oo iyadu 1 Bilyan euro ka samaysay iibka ciyaartoydeeda tobbankaas sano.

Halkan Ka Dhugo Liiska Oo Dhan

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More