Xiddigaha Xulka Qaranka England Ee Maanta Lagu Dhawaaqayo Oo Lagu

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa maanta ku dhawaaqi doona liiska xiddigaha xulkiisa ee ka qayb-geli doona tartanka Euro 2020 ee  horraanta bisha June bilaabmi doona.

Xulalka qaramada ka qayb-gelaya Euro 2020 ayaa laga dhigay 26 halkii ay hore u ahaan uga ahaan jireen 23, laakiin Gareth Southgate ayaa ku darsan doona afar ciyaartoy oo dheeraad ah, taas oo tirada ciyaartoyda xulkiisa ka dhigi doonta 30.

Sida uu sheegay David Ornstein oo ka tirsan wargeyska The Athletic, xog laga helay Southgate ayaa waxay muujinaysaa in uu tirada ciyaartoyda xulkiisa ku darayo afar ciyaartoy oo dheeraad ah, laakiin uu dib kasoo gaabin doono inta ka horreysa waqtiga kama dambaysta ah ee loo qabtay in waddamadu kusoo gudbiyaan liisaskooda ugu dambeeya.

Southgate ayaa ku fikiraya in uu tababar siiyo ciyaartoyda xulka qarankiisa, kaddibna uu daraasayn iyo u fiirsasho dheeraad ah u yeesho maalmo kooban oo uu garoonka carbiska iskugu keenayo ka hor inta aanu go’aanka ugu dambeeya gaadhin June 1 oo ah waqtiga uu liiska kama dambaysta ah u gudbinayo UEFA.

Ciyaartooyo badan oo xulka qaranka England qayb ka noqonaya ayaa waxay ciyaari doonaan finalada Champions League iyo Europa League ee Arbacada iyo Sabtida, kuwaas oo ka kala  tirsan Manchester United, Manchester City iyo Chelsea, waxaana uu Southgate ka walwalsan yahay taam ahaanshaha ciyaartoydiisa iyadoo ay jirto suurtogalniamda ah in dhaawacyo iman karaan, taas ayaana ku kallifaysa in uu kordhiyo liiska ciyaartoydiisa oo dib kasoo gaabin doono.

England ayaa raacaysa dariiqa xulalalka Netherlands iyo Italy oo shaaciyey tiro ka badan intii laga sugayay. Holland ayuu tababaraheeda Frank de Boer xushay 34 ciyaartoy, halka tababaraha Azzuri ee Roberto Mancini uu isaguna 33 ciyaartoy liiskiisa ka dhigtay, waxaase laga sugayaa in liiska kama dambaysta ay ka dhigaan min 26 ciyaartoy.

Spain ayaa si lama filaan ah usoo xulatay 24 ciyaartoy iyadoo loo ogol yahay 26 laacib, waxaana uu Luis Enrique ka tegay Sergio Ramos, taas oo dood abuurtay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More