Xiddig Weyn Oo Ka Tirsan Man United Oo Ka

Eric Bailly ayaa ka raaligeliyay tababare Ole Gunnar Solskjaer iyo asxaabtiisa Manchester United qaabkii ixtiraamdarada aheyd ee uu u dhaqmay markii laga reebay shaxda kulankii AC Milan ee isbuucii lasoo dhaafay.

- Advertisement -

Daafaca dhexe ee Manchester United ayaa ka carooday in tababare Solskjaer uusan fursad siinin iyadoo mustaqbalkiisa Old Trafford aan la hubin.

Ilo ku dhow Bailly ayaa sheegay inuu dareensan yahay in kooxda ay si ixtiraamdarro ah u la dhaqantay gaar ahaan markii laga saaray shaxda kooxda kulankii lugta labaad ee wareega 16ka Europa League ee ay ka badiyeen AC Milan.

Bailly ayaa ku soo bilowday lugtii hore laakiin ma uusan ciyaarin lugtii labaad gabi ahaanba, sida ay sheegtay warbaahinta wuxuu go’aanka tababare Solskjaer uga jawaab celiyay si carro leh markii uu iska waayay shaxda kooxda.

Wuxuu haatan aqbalay inuu si xun u dhaqmay oo sidii la rabay inuusan u wajihin xaalada isagoo ka raaligeliyay tababare Solskjaer iyo asxaabtiisa Man United haq dhaqankiisa qolka labiska.

Si kastaba, wuxuu weli ka careysan yahay xaalada uu ku jiro, wuxuuna ka fiirsanayaa inuu cusbooneysiiyo qandaraaskiisa.

Qandaraaskiisa wuxuu dhacayaa dhamaadka xilli ciyaareedka soo socda, wuxuu u sheegay United in sida kaliya ee uu qandaraas cusub ku saxiixi karo inay tahy in Solskjaer uu u balanqaado inuu boos joogta ah siinayo.

Madaxda Manchester United ayaa doonaya inay ceshtaan xiddiga reer Ivory Coast laakiin tababare Solskjaer ayaan balanqaadi karin inuu boos joogta ah siinayo xiddigaan taasoo shaki gelineysa mustaqbalkiisa.

Bailly ayaa aaminsan inuu booska kala bixi karo Victor Lindelof ama Harry Maguire haddii fursad cadaalad ah la siiyo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More