Xulka Argentine Oo Iska Xaadiriyay Semi-final-ka Copa America.

0

Xulka qaranka Argentine ayaa si dirqi ah isaga xaadiriyay wareega 4 dhamaadka Copa America kadib markii ay garaaceen xulka Ecuador.

- Advertisement -

Xulka qaranka Argentina ayaa ku guuleystay in ay rigoorayaal 4-2 ah kaga adkaadaan Ecuador, kaddib markii waqtigii caadiga ahaa ay ku soo idlaatay bar-baro 1/1.

Xulka qaranka Argentina ayaa wajahay dhigooda Ecuador kulan ka tirsanaa wareega sideed dhamaadka Copa America 2024, garoonka NRG Stadium.

Goolkii ugu horeeyay ee xulka Argentina waxaa u dhaliyay Lisandro Martinez kubad madax aheyd oo kubad koorno ah waxana uu hogaanka u dhiibay xulkiisa.

Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Kevin Rodriguez ayaa goolka barbaraha u dhaliyay xulka Ecuador, kaddib markii uu madax ku dhaliyay gool.

Xulka qaranka Argentina ayaa u suurta gashey in ay rigoorayaal 4-2 kaga badiyaan dhiggooda Ecuador.

Guushaas, xulka qaranka Argentina ayaa u soo baxay semi-finalka Copa America 2024, iyagoo sugayay kooxdii badisa ciyaartii u dhaxeysay Venezuela iyo Canada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More