“XAAR MADOW…” – Mouctar Diakhaby Oo Daboolka Ka Qaaday Caydii &

Garsoorihii dhex-dhexaadinayey ciyaartii xalay lagu kala dareeray ee waqtiga dambe lagu soo laabtay ee Cadiz iyo Valencia ayaa ka hadlay wixii ka dhacay garoonka, isagoo warbixintiisa ku daray hadalladii uu difaaca la cunsuriyeeyey ee Mouctar Diakhaby uu u sheegay markii uu gadoodka samaynayay.

Ciyaartan ayaa istaagtay daqiiqaddii 29aad, kaddib markii ay ciyaartoyda Valencia garoonka ka baxeen, hase yeeshee mar dambe ayay dib ugu soo laabteen.

Mouctar Diakhaby ayaa gadood bilaabay markii uu difaaca Cadiz ee Juan Cala uu kula kacay aflagaaddo iyo cunsuriyad, taas oo markii uu garsooraha uga dacwoodayna uu siiyey kaadh digniin ah.

Ciyaarta ayaa xoogaa kaddib dib u bilaabantay iyadoo uu Diakhaby diiday in uu soo laabto, waxaana lagu beddelay Hugo Guillamon.

Garsoore David Medie Jimenez ayaa warbixintiisa ciyaarta kaddib waxa uu ku sheegay aflagaaddadii lagula kacay Diakhaby ee sababta u noqotay dhibaatadii dhacday, waxaanu yidhi: “Daqiiqaddii 29aad ayay carqaladowdayy ciyaartu, sababtuna waxay ahayd isku-dhac u dhexeeyey labada kooxood.

“Ciyaartoyga No.12 ee Valencia ee Mouctar Diakhaby, ayaan kaadh cas siiyey markii uu la murmay ciyaartoy kasoo horjeeday, wuxuu se ii sheegay ereygii lagu yidhi oo ahaa ‘Wuxuu igu yidhi waxaad tahay xaar madow’, taas oo uu kula kacay ciyaartoyga No.16 ee Cadiz ee Juan Torres Ruiz.

“Dhacdadan may maqlaynin xubnaha kooxda garsoorku. Daqiiqado kaddibna ciyaartoyda Valencia waxay go’aansadeen in ay ciyaarta ka baxaan. Sababtaa darteed ayay ciyaartu si ku-meelgaadh ah u joogsatay. Labada kooxood ayaa ku laabtay qolalkooda lebbiska.”

Garsoore David Medie Jimenez waxa uu intaa kaddib sheegay in ay kulmeen labada kooxood oo ay isla go’aamiyeen in ay dib ugu soo laabtaan, iyagana (garsooreyaasha) loo in la beddelay ciyaartoyga No.12 ee Mouctar Diakhaby.”

Si kastaba, ciyaarta ayaa hakad ku jirtay 24 daqiiqadood.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More