“Waxaan Halkan U Imid Inaan Koobab Ku Guuleysto, Hadda Waa

Tababaraha kooxda Chelsea ee Thomas Tuchel oo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka horreeya kulanka FC Porto ee caawa ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in kooxdiisu ay leedahay awoodii ay ugu guuleysan lahayd UEFA Champions League.

Chelsea ayaa hadda hoggaan 2-0 ah haysata kahor kulanka Porto ee caawa iyaga oo markale lugta labaad ku kulmi doona gegida Ramon Sanchez Pizjuan.

Tuchel ayaa muujiyay sida uu kaliya koob uga fikirayo waxaana uu sheegay inuu Chelsea u tagay si uu koobab ugu guuleysto isla markaana ay hadda tahay wakhtigii ay ku guuleysan lahaayeen.

“Waxaan halkan u imid si aan koobab ugu guuleysto, waxaan halkan u joogaa si aan kulamada ugu guuleysto, taasi waa waxa aan naftayda weydiisto” ayuu ugu horreynba yidhi Thomas oo ka hadlayay fursada ay kooxdiisu Champions League markii labaad taarikhdeeda ugu guuleysan karto.

“Hadda waa wakhtigii, haddii aan daacad ahay arrintaas waxaynu ka wada hadli karnaa saacado iyo saacado, berri waa inaanu ciyaarno mana jiraan kulamo ka adag markasta kulanka soo socda”

Tuchel ayaa dhinaca kale qaba in xiddigaha iyo kooxdiisu ay aragtidiisa oo kale qabaan oo ay aaminsan yihiin inay koobab ku guuleysan karaan isaga oo kooxda ku sheegay mid dhaqankeedu yahay ku guuleysiga koobab.

“Ma heli doontid koox aan doonayn inay gaadho afar dhammaadka, ma jiraan wax la qariyaa, tani waa koox leh dhaqan iyo hab dhismeed ay koobab iyo kulamo ugu guuleysato, kooxdani waxay leedahay taariikhda iyo hab maskaxeedka ay sidaas ku samayn karto”

Your browser does not support the audio element.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More